Ma qasab baa in gabadha la guursanayo bikro tahay, nin walbaana uu guursado Bikro.?

Bulsha:- Dhaqanka ah in ay gabadhu bikro tahay marka la guursanayo ayaa waxa uu mariyay gabdho badan dhibaato badan. Qaar way ku guur waayeen, qaar markii ay aqal galeen ayaa la furay, qaarna warwar iyo walaac ayay ku nool yihiin arinaa darteed.

Hadaba Xiiso Online ayaa waxa ay idiin haysaa qiso ku dhacay gabadh ay dhib ka soo gaadhay in aanay gudnayan. Gabadha oo inooga waramaysa qisada ku dhacdayna waxa ay u qortay sidan.

Seddex bilood ka hor ayaa aabahay wuxuu i siiyey nin dhallinyaro ah 27 sano jir ah, oo ka dhex ganacsada Imaaraadka iyo Soomaaliya , ciqaamadna ku leh Imaaraadka , Soomaaliyana xaas kale ku leh ,sidaan dib ka ogaadey.

Wada xaajood dheer ka dib, aabahay baan ku raacay qorshihii guurka , deed qabanqaabo iyo qarash badan baa la galay , maalin khamiis ah hameen jimce soo galayo ayaa meherkii iyo arooskiiba dheceen. Anigoo qurux udhashay Allah mahaddii oo haddana aad la ii sii sharraxay , ayaa ka dib xaflad dad badani ka soo qayb galeen oo Abu dabey oo dhan looga yimid , ayaa sagaalkii fiidnimo la ii aqal geeyey mudanihii la i siiyey oo sharcigu isu kaaya banneeyey.

Markaan aqalkii tagnay soo dhawayn iyo cabitaan ka dib iyo wa xoogaa sheeko baraley ah ayaa mudanihii wuxuu yiri
”Abaayo Ismahaan qolkaas caawa iska seexo, subixiina dhakhtarka ayaan ku geyn si dunta ama ceyngariga lagaaga soo furo oo inaan ku xanuujiyo dooni mayo”

Waxaan iri ”Duntu iyo cayngarigu maxay yihiin ?”

Wuxuu yiri ”Tii gudniinka”

Waxaan iri ”anigu dabiici baan ahay oo la ima gudin”.

Intuu si xun ii soo fiirshey buu yiri ”Laguma gudin ?” ”Laguma gudin?”

Waxaan iri ”la ima gudin, taasna wax sharciga ka soo hor jeeda ma aha?

Wuxuu yiri ”Sidee ku ogaanayaa haddaba inaad bikro tahay?”

waxaan iri ”Anigu khibrad ma lihi laakiin waxaan ka akhriyey buug uu qoray dhakhtar la yiraahdo Dr. Xussam Xassan Baasha oo gudniinka ka hadlaya, soomaaliya iyo suudaanna tusaale usoo qaadanaya. In bikranimadu aanay ahayn waxa habraha waddamadaasi ay gabdhaha ku cadaabaan ee ay tahay mid dabiici ah oo ilaahey u abuuray gabdhaha. Haddii aad doonaysidna berriba maktabaddaa lagu iibiyaaye waan soo iibsan karnaayoo akhrin karnaa”.

Wuxuu yiri ”Abaayo anigu luqad aan afsoomaali ahayn wax kuma akhriyo, laakiin bikranimada ka sokow anigu waxaan aaminsanahay, gabar aan la gudin in aanay xalaalba ahayn, cuntada ay karisaana ay xaaraan tahay”.

”Marka laba mid kala dooro: In aan hadder ku furo, isla caawana reerkiinii kugu celiyo iyo in aan inta iska wada joogno oo labadaa qol kala daganaano? In aan makhaayadahana aan cuntada nooga soo iibiyo, dabadeedna todobaad ka dib aan soomaaliya muddo bil ah soo joogno oo bishaas gudaheeda aan kugu soo gudo, ayeydey baa gabdhaha magaalada guddee? ”

Waan ku xanaaqay oo waxaan iri ”Haddeer i fur oo warqaddaydana halkaas ii dhig, reerkayagana anaa taleefan udirsanoo iyagaa ii iman haddeer, adigana kaagama baahni inaad i kaxaysid.

Kaddib ayuu yiri ”Seddex baad iiga furan tahay” Warqadna ku qoray ” Ismahaan, sddex baad iiga furantahay laga bilaabo caawoo bishu tahay ….”

Warqaddaydii baan ka dafay, oo aabahay mobile uu haystey ka wacey. Labaatan daqiiqo kaddibna wuu isoo gaarey oo gurigayagii dib iigu celiyey.

Qisadaas ayaa isoo martay, deedna waxaan goaan ku gaarey ninkii isoo doona inaan marka hore wax u kala caddeeyo si aan marka horaba bannaanka u kala marno.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment