Lamaane Soomaali ah Oo Diyaarad isku bartay Ka dibna is guursadey (Warbixin)

Bulsha:- Qisadan oo ah mid dhab ah ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Abshir iyo Xanaan Abshir ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan Arimaha Bulshada ka falooda ee Warbaahinta Wacdaraha.com waxayna inooga warameen sidii ay wax u dhaceyn, waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan ee ka bogosha wacan akhristayaal,

Qisada Xiisaha Leh Ee Lamanaha Diyaarada Isku Dhax Bartay Ayaa Ku Bilaabaneysa,

“Waxaan ku dhashay magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose, sanadka markuu ahaa 1979-kii, waxbarashadeyda ayaa waxaa kusoo qaatay magaaladda Mandheera ee dalkaasi Kenya kuna taala xadka soomaaliya iyo keenya garabkane ku haysa magalada balad-xaawo sidoo kale Xanaan ayaa waxay ku dhalatay magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed, balse waxay kusoo barbaartay wadamada carabta, gaar ahaan dalka Imaaraadka carabta,

Sanadkii 2003-dii ee laso dhaafay ayaa waxaa nasiib u yeeshay inaan gacanta ku dhigo fiisaha dalka Maraykanka oo gabar walaashey ah baa waxay igu dacwootay waa ninkeyga oo kale, isla-markaana Xanaan ayaa iyadana waxay nasiib u yeelatay inay hesho fiisaha wadanka Maraykanka, iyadoo ku heshay qaab dacwo ahaan oo mareeykanka looga so dacwooday,

Gabadha Xanaan iyo aniga ayaa waxaa kasoo wada duulnay garoonka dayuuradaha ee Dubai kadib markii aan diyaarad kaso raacay kenya transet ay ku aheyd Dubia waxaana kusoo sii jeednaa dalka Maraykanka, midba midka kale magaranaayo, hase ahaatee kursi saf balaaran leh oo isku aadan ayaa ku wada fadhinay, cabaar kadib ayaa waxaa bilaabay inaan indhaha ku qisho, isla-markaana iyaduna waa ay i garata, inaan day-dayay oo aan eegayay dhankeeda madaama laba qof oo soomaali ah misane diyaarad dhan oo dad aan soomaali kale aheyn wada oo inta kale carab iyo cadaan iyo afrikaan kale ay ka buuxan oo labadeena oo kali soomaali ka ah,

Saacada kadib ayaa waxaa inoo suurta gashay inuu midba midka kale si-toos ah ula hadlo, oo halkaasi ayaa ku ogaaday in Xanaan la-dhaho, sidoo kale iyana waxay ogaatay in Abshir lee-yiraahdo madaama aan is xoog wareeysano oo aan is weydino su,aalo kala duwan,

Sido kale Waxaan ka qaatay guriga ay ku socoto teleefanka ku jiro, ana waxaan u sheegay guriga aan u socdo teleefanka ku jiro, si’aan isku soo xiriirino, nasiib wanaag qorshaha ayaa wuxuu u dhacay sidii aanu ugu talla galnay ama nasiibka uu qoray,

Ha yeshee Waxaa labadeynba aan Maraykanka ka tagnay magaaladda Columbus ee gobolka Ohio, oo taasi ayaa waxay inoo suurta galisay inaan isku soo dhawaano, nasiib wanaag waxaa inoo suurta gashay inaan isla-fahano xiriir jaceyl, oo waxaa ina dhex maray jaceyl xiiso ku dhisan, iyo Galkaceyl u muuqdo mid aan dhamaad laheyn hadalao macaan oo wanaag badan ku bilowday,

Markii aan sal dhigtay Maraykanka ayaa waxaa ka bilaabay waxbarasho iyo shaqo xiriir ah, si’aan wax ugu qabto qoyskeyga oo ku kala daadsanaa Koonfurta iyo Bartama ee dalka Soomaaliya, halka Xanaan ay iyadu u go’ay oo kaliya waxbarasho jaamacadeed.

2003-dii ilaa iyo 2008-dii ayaa waxaa inaga dhaxeeyay xiriir jaceyl oo qura, hase ahaatee bartamihii sanadkii 2008-dii ayaa waxaa inoo suurta gashay inaan isguursano, maadaama aan nolosha isla fahanay jaceyl xad dhaaf ahne uu na dhaxmaray,

Haatan waxaan ku nool nahay nolol macaan, waxayna xaaskeyga ii heysaa wiil, dhawaanse waxaa filaayaa inuu ii dhalan doono cunugeygii labaad haddii uu Alle idmo .

Ugu danbeyntii qisadan jaceyl ee macaanka badan waxa igu dhaliyay walaalkeyga Misane saaxiibkeyga qaaliga ah Irshaad Halane oo haatan ku sugan Magalada Mandera kadib markii aan ugu waramay nolasheyda sida ay u hanatay gabadhii aan diyaarada isku baranaya Wabilahi Towfiiq.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment