Kintirka muxuu Raaxada u taraa+walaguso celin kara hadii laga jaray!!!

Bulsha:- Kintirka oo la aaminsanyahay in uu yahay xubin aad u raaxo badan oo qeybna ka cayaara raaxada dumarka xiliga galamada ayaa ah meesha uga badan ee dumarku jecelyihiin in ay ka helaan raaxada xiliga isu taga jinsiga.

Culimada sayniska jinsiga ayaa waxey mudo dheer darsayeen xubintaan iyo sida ay u shaqeyso iyo guud ahaanba sirta la xiriirta ee raaxada jinsiga, taas oo lagu soo ogaaday in kintirku yahay meesha kaliya ee ka tirsan xubinta taranka dumarka ee isla markaana aan wax shaqo toos ah aan ku lahayn dhalmada, taas oo ka dhigan in kintirku yahay xubin loo sameeyay ujeeda gaara oo ah in Haweeneydu ay ka hesho raaxo xiliga galmada.

Magaca cilmi ahaan loo yaqaan kintirka oo dhaca qeybta kore ee xubinta taranka ayaa ah Glans, waana wareeg yar oo kuusan oo qadar ahaana la eg Digir yar, kaas oo la aminsanyahay in ay maraan ama ku kulmaan illaa 8 kun oo xidid dareen side oo afka qalaadna loo yaqaan SENSORY NERVE FIBERS, waana meesha qura ee ka tirsan jirka Banii’aadamka ee cadad intaa la eg oo dareen side ay maraan, qeyb ahaana cadadka dareen side ee Kintirku wuxuu labo u jibaar ka badanyahay kuwa mara afka hore ee xubinta taranka Ragga.Heegan24.net waxey idiin heeysaa Tusaalooyin fara badan sida,

Tusaale ahaan cilmi baaris la sameeyay 1953 ayaa waxay sheegtay in gudaha xubinta taranka dumarku ay tahay mid dareen ahaan aan badneyn oo aysana qeyb sidaa usii buuran ka qaadan dareenka raaxada dumarka, cilmi baaristaan ayaa lagu sheegay in xubinta taranka ee lawada yaqaan aysan jirin cadeymo cilmi ah oo la xiriirinayo in ay masuul ka tahay kacsiga dumarka xiliga galmada, lakiin taas waxaa dadafeeyay cilmi baare kale oo lagu magacaabo Germaine Greer 1970kii daabacay cilmi baaris uu ku sheegay in wax la’iska sheegay uun ay tahay in xubinta taranka dumarka aysan wax door ah ku laheyn dareenka kacsiga dumarka Mr Greer ayaa isagu ku andacooday in aysan suurta gal ahayn in isliska labad xubin ee taranka ragga iyo dumarku ay tahay wax aysan ka dhalaneynin dareenka raaxadu ku dheehantahay, isaga oo isla markaana sheegay in xiliga isliska laba xubin ay tahay marka qof walba u dareemayo raaxada galmada.


iyada oo ay tani jirto ayaa hadana goor dhow uun sanadku marku ahaa 2009 laba dhaqtar oo u dhashay Faransiis laguna kala magacaabo Dr Odile Buisson iyo Dr Piere Foldes waxey soo saareen Daraasad markaasi socotay 3 sano taas oo lagu ogaaday in dareen sidayaasha kintirku ay hoos ugu dheerarsanyihiin Gudaha xubinta taranka Dumarka oo ayna masuul ka yihiin dareemida raaxada Dumarka xiliga galmada.

Dr Foldes oo isagu door ka qaatay daaweynta illa 3,000 kun oo dhibane oo dumar ah kuwaas oo lagu sameeyay Gudniinka Fircooniga FGM ayaa sheegay in aqoonta barashada cilmiga jirka banii’adamku uusan marna si fiican hadda kahor uga hadlin sirta la xiriirta dareenka uu leeyahay kintirku iyo sida uu door weyn ugu leeyahay dareenka raaxada dumarka xiliga Galmada, Dr Foldes ayaa sheegay in haddii mar la jaro kintirka ay taasi ka dhigantahay dareenkii dumarka oo lala tagay taas oo in badan dumarka Soomalida maanta heysata.

isku soo xeeriyoo waxaa xaqiiq ah kadib darasadaahaan ahmiyada iyo doorka uu u leeyahay kintirku dumarka xiliga galmada taas oo ah mid aan inaba la dafiri karin.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment