Kajol Oo Raali Galin Ka Bixisay Video-gii Ay Ku Sheegtay Inay Hilibka Lo’da Saaxiibadeeda La Cuntay!

Bulsha:-  Labo sano ka hor dibad baxyo xoogan oo ay soo abaabuleen qaar ka mid ah xisbiyada siyaasada gudaha Hindiya ayaa sababtay in gabi ahaanba gobolada ugu badan Hindiya laga mamnuuco cunista hilibka iyo gowracida Lo’da.

Sababta ugu weyna waxay tahay in Lo’da ay Hinduuga badankooda caabudaan sidaa darteedna la mamnuucay cunista hilibka iyo Lo’da la gowracdo si sharciyan ayaa gobol badan looga hir galiyay sharcigaan.

Laakiin dhawaan atirishada caanka ah Kajol ayaa barteeda Facebook iyo Instagram-ka soo dhigtay Video ay ku sheegeyso qorshaheeda ah in saaxiibadeeda ay kulan ku wada balansan yihiin sidoo kalena casuumada cunta ka mid tahay hilibka Lo’da.

Sidoo kale Kajol Video-gaan waxaa kala soo muuqdao cunto kariyaheeda qaaskaa ah kaasi oo sharaxaad kasii bixiyay hilibka Lo’da ay diyaariyeen oo aad u habeesan iyo casuumaada guriga Kajol ka dhici doonto.



Isla markiiba Video-gaan muran xoogan ayuu abuuray dad badan ayaana Kajol ku kaceen madaama ay xidigtaan Hinduu tahay in gurigeeda hilibka Lo’da la keeno laguna cuno ayadana ay wax ka cunto ayaa laga carooday.

Weliba sharci ahaan gobolada qaar qofkii lagu qabto asigoo Lo’da gowracaayo wuxuu la kulmaa ciqaab sharci oo adag iskaba dhaaf in hilibka Lo’da suuqyada lagu iibiyo.

Sidaa darteed Kajol arinkii ayaa la xumaaday waxayna barteeda ka saartay Video-geedii laakiin wey kasoo daahday talaabadaas madaama qof walbo uu Vidoe-ga gasaday sidoo kalena qof walbo bartiisa Video-gaan soo galiyay.

Hadaba Kajol waxay ku qasbanaatay inay raali galin bixiso waxayna baraha bulshada soo dhigtay qoraalka hoos ku xusan:
“Video aniga iyo saaxiibadeyda qado ku casuuneyn waxaa lagu sheegay in cunnada ku jirtay hilibka Lo’da sidoo kalena hilibkaas uu miiska saarnaa. Laakiin si qaldan ayaa wax walbo oo fasirtay ama loo fahmay.

Hilibka aan idin tusnay wuxuu ahaa hilibka Lo’ gisiga waana arin sharciyan banaan in hilibka Lo’ gisiga la cuno ama la adeegsado.

Waxaan qoraalkaan usoo daabacay inaan cadeeyo arinkaan muranka dhaliyay, waa arin xasaasi ah sidoo kalena diin dhaawici karto anigana ku tala gal igama ahayn inaan xasarad gaar ah abuuro.”












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment