Jirkeyga Inaad Taataabato Miyaad Dooneeysaa Mase Waad I Jeceshahay Soo Kala Cadee, “Jidhka Mise Jaceylka”?..

Bulsha:-  Dhallinyaranimadu waa xilli loolan adagi uu dhexmaro baahiyaha jinsiga ah iyo qudha qof walba oo dhalinyaro ah. Isla marka uu dareemo wiilku baahida iyo hammuunta haysa in uu dhiggii helo ayaa uu baadi doon galaa, jaarka ayuu ka bilaabaa, suuqa ayay la gaadhaa, ilaa inta uu helaayo wax ka raseeya waa uu raad goobaa qof uu dareen jacayl la wadaago. Balse waxa eryayaa waa baahi, jacaylku se waa af-gobaadsi .

Wiil iyo gabadh jaar ahaa muddo farobadan ayaa dhallinyaronimadoodii isku fahmay in ay dareen jacayl wadaagaan. Midba midkii kale waa uu raad guray, bal in uu ogaado gunta iyo gabogebada halka uu rabo in uu ku biyo shubto jacaylkan ay yagleeleen.

Si farshaxannimo ku dheehantahay ayay u qorshaysteen qaabka ay sheekada u wadaagayaan inta ay haasaawaha ku guddo jiraan.

Waqtiga ay jaantu yartahay ayay kulmaan cawayskii, midkoodba midka kale ayuu ku sii adkeeyaa ballanta fiidka habeenka dambe marka ay kala hulleelayaan. Iyada oo midba midkooda kale isleeyahay armuu habeen dambe kuu gooyaa. Dan badan kollay kaama lahee.

Waxa ay hoydaan fiidkii labadooduba iyaga oo jacayl da’aya, sariirta marka uu mid waliba qaniino ayaa waxa ku bilaabma fikir werwer iyo walbahaar aan dhamaad lahayn.

Mararka qaar farxadi ku dheehantahay, mararka qaarna cabsi wehelinayso. Mid waliba isaga oo is leh “Armaad is fahmi waydaan oo aad ku kala carrawdaan arrinkiinnaa ugubka ah”.

Xusuus ayuu galaa mid waliba dhankiisa inay is aroosi doonaan, kaadhadhka martiqaadka meherkooda ayay qorsheeyaan, cidda uu ku soo marti qaadayo mid waliba dhankiisa .

Habeenka jimcuhu soo galayo midkood ayaa soo walwaala hadyad uu qalbiga midka kale ku hantiyayo, waana joogto oo habeen walba oo jimcuhu soo galayo midkood ayaa soo walwaala.

Habeenkii waxa ay wada qaataan waqti aan xisaab lahayn, marka ay ugu yartahay waxa ay wada qaataan cawayska saddex saac iyo dheeraad, habeennada kalena waqti shan saac ku dhaw.

Barta ay ku kulmaan bari uuma korodhoo waa sees ka yara durugsan hoygan ay deggantahay gabadhu oo wiilka ayaa dhallinyaro xaafadda seesku ku yaalo ku teedsan ay is wada yaqaannaan, oo kama cabsadaan in ay cidi khalkhal geliso haasawahooda joogtada ah.

Marka uu waagu baryo mid waliba wax uu dhankiisa isku diyaariyaa kulanka xiisaha gaarka ah leh ee fiidka caawa.

Marka ay goobtoodii golehoodii haasaawaha ku kulmaan waxa ay hore ka bilaabaan kaftan iyo hadal-haynta himilooyinka soo socda.

In muddo ah waxay sii dhex mushaaxaan haasawaha ragaadshay waqtigoodii ay hawlo mudan noloshooda inay qorsheeyaan ku qaadan lahaayeen. Waxa uu wiilku damcay in uu gacanta gabadha dhunkado, waana uu ka codsaday, iyaduna way ka oggolaatay.

Habeenkii labaadna sidii habeenkii horre oo kale ayaa uu markay is arkeenba dhunkasho ku bilaabay, iyaduna waa ay u oggolaatay, iyada oo ka xun, mase uu dareemin wiilku.

Habeen saddexaad ee dhunkashada markii ay gabogabeeyeen haasawihii ayaa uu damcay wiilku in uu jidhka gabadha gacantiisa ula tago. Gabadhii inta ay ka xumaatay ayaa ay ku tidhi: ” Waan ogahay! oo dan aan jidhkayga ahayn igama lihide waxa aad doonto iga samayso”. Wiilkii inta uu yaabay oo fajacay ayuu dib uga joogsaday. Waxaanu ku celceliyay isaga oo naxsan “May, may, may, wallaahi saas maaha” . Waanay is macasalaameeyeen.

Habeenkii markii uu hoyday waxa uu bilaabay sidii uu u soo afjari lahaa haasaawaha oo uu u diyaarin lahaa qorshe guur, maadaama ay gabadhu ka oggolaan wayday in ay sharci darro isku maaweeliyaan.

Waxaanay kulmeen habeenkii habeenkaa xigay isaga oo qorshihii guurka soo diyaarsaday, waanay ka oggolaatay gabadhii, sidii ayayna isku guursadeen, kuna aqal galeen.

W/Q Guuleed Cumar Madar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment