Ilmo ku dhashay madax labaad oo caloosha kaga yaalla & gacan sadexaad oo qaliin lagu sameeyey (Daawo Sawirro)

Bulsha:- Ilmo Gabar ku dhalatay madax dheeraad ah oo kaga yaalla dhinaca caloosha iyo gacan sadexaad ayaa waxaa lagu sameeyey qaliin ka mid ah kuwii ugu dhibka badnaa ee caalamka soo mara si loo badbaadiyo nolosheeda.

Dhaqaatiirta Isbitaalka JK Lone oo ku yaalla magaaladda Jaipur ee dalka India ayaa la sheegay inay qaliin socday afar saacadood ku sameeyeen gabadhaasi.

Madax dheeraadka ee gabadha kaga yaalay caloosha ayaa la sheegay inuusan lahayn indho iyo dhego.
Hooyo 21-jir oo aan magaceeda la sheegin ayaa la sheegay inay tegtay Isbitaalka Ram Shehi xilligii ay uurka lahayd, loona sheegay inay mataano wado, waxayna ka cabanaysay xanuun dheeri ah oo aysan horey u soo arki jirin uurkeedii hore.

Dhaqaatiirtu ayaa hooyadaas saaray mashiinka (Ultrasound), ee lagu baaro caloosha waxayna ogaadeen inay wado ilmo mataano ah, inkastoo aysan ogaanin qaab-dhismeedka ilmahaasi.

Mataanaha sidan mucjisada ku dhashay ayaa naadir ku ah caalamka, waxayna Dhaqaatiirtu sheegeen in halkii million oo carruur dhalata laga help hal ilmo oo leh qaab mataano aan dhamaystirnayn.

Aabaha dhalay gabadhan oo 24 jir Beeraley ah waxaa uu sheegay in muhiimadda 1-aad tahay in xaaska la badbaadiyo ka dibna canug yar.

Qaliinkan ayaa la xaqiijiyey in lagu guuleystay, waxaana Madixii dheeriga ahaa laga soo saaray Caloosha, sidoo kalena waxaa la jaray gacantii saddexaad ee dheeriga ahayd.

Ilmaha yar oo gabar ah ayaa la sheegay inay soo kabanayso, iyadoo la siiyo caanaha naaska hooyadeeda, waxaana la filayaa goor dambe oo isbuucan ah in laga saaro isbitaalka ay ku jiraan.

Dhakhaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay ineysan wax kharaj ah ka qaadin qoyskan qaliinka ay ku sameeyeen gabadhooda sababo la xiriira dhaqaale xumo heysata qoyskaas awgeed, waxayna xuseen iney ku faraxsan yihiin badbaadinta gabadhan yar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment