Ila Tali : Aniga Ayuu Igu Tiirsan Yahay Balse Wuu I Ciilaa Kuna Tuntaa Jaceylka Aan U Qabo , Maxaan Ku Sameyn Karaa Nin Noocaas Ah”.

Bulsha:- Ammaan oo idil ALLE ayay u sugnaatay,Naxariis iyo Nabad-geliyana korkiisa ha ahaato Nebi Muxammed.Dhamman waxaan si qaddarin iyo qiimo leh u salaamaya bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan Website-ka Alcarabiya.com oo aan ku ammaanayo inuu wax ka qoro arrimaha nolosha oo baahi badan loo qabo.



Magaceygu waa Anisa Mohamed Osman oo joogta dalka Sweden ,waxaan ahay 23 jir dhowaan gashay guurkii ugu horreeyay,dal kale ayuuna ku nool yahay Ninkeyga.

Aad ayaan u qiimeeyaa oo aan u dhageystaa Ninkeyga,muddo badana waa u samrayay.Waxaan ahay Gabar deggan oo aan dagaal badneyn balse Xaajiga ayaa ah nin igu qeyliya 24 saac,buuq joogta ah iyo hadallo I niyad jebiya ayaan kala kulmaa.Maalin walbana waa uu iga oohin siiyaa xilli uu dareensan yahay in aan kala fognahay saameyn badan igu yeelaneyso xumeyntiisa , mana doonayo in aan hal hal u faqo xaalkiisa.

Dadku waxay igu dhahaan adigoo sidaan u qurxoon miyuu ku ciili karaa nin aad adiga BIISHO oo aad u fool xun,anigane maqaato warkooda oo waxaan muujiyaa dulqaad.

Anigoo aan is-faanineynin waxaan ahay gabar Cad,dheer,caato ah,haddana qurxoon,waxaa nafta ii keenay Niman badan oo qaarkood Romatic ah mararka qaarna waxaan ka baqaa in i ay saameyaan

FADLAN Tallo ayaan ka doonayaa akhristayaasha qiimaha badan iyo Bahda Alcarabiya.com,Waan idiin jeclahay dhammaantiin











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment