Haddiiba Kalsoonaanta Nafta Tahay Furaha Guusha Kalsooni Daradana Waa Fashilka Nolasha.

Bulsha:- Ayaan daranaa qof liidaya nafsadiisa una arko wax aan qiimo lahayn , shaqsiyada xumo waxaa ugu liidata inaad nafsadaada liido weligaa nafsadaada hala barbar dhigin qof kale , kaliya isku day inaad sameyso sida ugu wanaagsan ee aad awoodo . Akhristaha qaaliga ahaw ma is weydiisay haddii aadan nafsadaada ku kalsoonaan cida kugu kalsoonaan karto. , sow ma ogid in uusan jirin qof la dhashay howsha uu qabto , ruux walbo waxa uu dhashay asagoo waxbo aanan garaneyn , hawl walbo oo uu qabtay maalin ayuu eber ka joogay oo uusan waxbo ka fahansaneyn .

Ku kalsoonaanta nafta waa furaha lagu kaxeeyo gaariga guusha waana shardiga ugu muhiimsan ee guusha islamarkaana waa sharafka uu ku faano guuleyste walbo , taariikhda dadka guulahooda wax ka dhahay haddii aad dib u aqriso waxaa ka dhax arki doontaa kelmada ah ” Nafsadayda ayaan kalsooni buuxdo ku qabay ” habab kala duwanba ha u dhahaan luqado kala duwana ha u isticmaalan balse muhiimadu waxa ay ku duul wareeganayaan  in ay  kalsooni isku qabeen . Inta aadan taariikh iyo tusaale dib u eegin aqristow intaad yara nasato nafsadaadana shir la qaadato ka fakar noloshaada iyo hawlihii ku soo maray kuwii aad ku guuleysatay iyo kuwii aad ku guul dareysatay intaba .

Kala faq nafsadaada hawl nolol maalmeedkaaga ka mid ah oo aad ku guulaysatay maxaa sabab uga dhigi lahayd guushaada ? Isku si se ma u dareentaa oo ma u qabataa hawl aad ku kalsoontahay inaad awoodo iyo mid aadan ku kalsooneyn ? Dabcan waxaa kuu soo baxaya gaariga guusha waxa dhaqaajiyo in ay tahay ku kalsoonaanta nafsada .

Haddiiba kalsoonaanta nafta tahay furaha guusha kalsooni daradana waa fashilka nolasha , ma jiro dhib ka weyn Inaad naftaada ku kalsoonaan weydo oo aad xumaan ama awood dari ku maleyso , waayo ma jiri doono ruux kugu kalsoonaado  madaama aad adigiiba isku kalsoonaan weysay.

Walaalkeyga qaaliga ahaw ku kalsoonow nafsadaada hana ka cabsan in aad guul dareysato ama qalad kaa dhaco waayo ka cabsashada inuu qalad kaa dhaco waxa ay kugu qancin doontaa inaadan isku day samaynin waxaa ayna kaa dhigeysaa qof ka liito guuldareystaha waaye guul dareystaha isku day ayuu sameyey xasuusnow in ruux walbo uu qalad ka dhaco ma gefe waa alle ee haka welwelin qalad inuu kaa dhaco allena talo saaro .

Qaladka ugu weyn ee aynu galno waa in aan ku qanacno in aanan waxbo qaban karin ama anagoo guul daro ka baqeyno nafsadeena ka soo qaadno wax aan jirin kuna qancino in ay ogolaato guul daro tan ugu weyn oo ah quusasho iyo kalsooni daro nafsadeed, aqriste ha noqon dooro biyo ku dhacday ee isku day inaad kaalintaada kasoo baxdo .

Maankana ku haay oo nafsadaada bar in aad keli tahay , guul ama guul darane aad adiga uun isu horseedi karto , iska ilaw in ruux kale kalifi karo ama kuu soo hoyn karo guul ama guul daro , nafsadaada ku kalsoonow alle oo keliyana kaalmo weydiiso . Bar nafsadaada in aysan jirin wax aan macquul ahayn wax walbo oo qofi sameysay adigane albaabkeeda kaama xirna oo waad sameyn kartaa kaliya waxaad u baahantay inaad u marto wadada ugu haboon isla markaana aadan ka baqin guul daro kana daalin isku dayga ilaa aad ka guuleysato .

Kalsoonida ma ahan inaad wax walbo shab iska dhahdo iskuna furto howlo farabadan oo kala duwan hab aan nidaamsaneyn taas oo soo dadajin karta guul daro kugu abuurto niyadjab ,  wax walbo u qaabil hab nidaamsan oo taxadar ku dheehanyahay .

Qofka nafsadiisa ku kalsoon waa kan kala nidaamiya hawlisiisa isla markaan saxiib u ah sabar iyo dulqaad oo ah saadka iyo sahayda wadad guusha











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment