Habeenka arooska waa habeenka kowaad ee wiil iyo gabadh ay kulmaan iyaga

Bulsha:- oo isku ah say iyo oori kuwaas oo arooska ka hor ku kala noolaa laba
adduunyo oo kala duwanaa. Waa habeenka ugu muhiimsan nolosha guurka ee
lammaanaha oo caruuska iyo caruusaduba la rabo inay ogaadaan inay
bilaabayaan nolol cusub. Habeenku maaha habeen midna caadi u ah oo
labaduba waxay dareemayaan deganaansho la’aan, gabadhuna waxay si gaar
ah u dareemaysaa cabsi, werwer, iyo xishood. 





Haddana, waa habeen
labaduba farxad iyo riyaaq hoos ka dareemayaan si mid kastaba midka kale
u fahmo si ay u bilaabaan nolol-guur oo raaxo leh. Waa habeen labadaba
uga baahan in si taxadar leh u wada maamulaan  si aanu u dhicin khalad
saamayn ku yeesha nolosha guurkooda mustaqbalka.
Caruuska iyo caruusadaba mid kastaba waxaa isku dayayaa karaankiisa si
umuuruhu ugu fududaadaan. Mid kastaba waxaa uu kula dhaqmayaa midka kale
dabacsanaan, jiljileec, naxariis, iyo taxadar weyn. Waa habeen mid
kastaba sugi la’yahay sidii mid kastaba midka kale ugu dhiirran lahaa
una bilaabilaah sheeko isku soo dhaweysa labadooda  oo horseedda raaxo
iyo farxad. Habeenkaas waxaa labadaba la gudboon inay is-dejiyaan wadana
sheekaystaan si hawluhu ugu fududaadaan. Sayga waxaa laga rabaa inuu
kula dhaqmo ooridiisa cusub naxariis iyo sheeko macaan oo qalbigeeda
dejisa.
Gabadhkasta waxay dareentaa werwer ama xishood habeenka kowaad ee
arooska.
Dabcan, waa kulan muhiim ah oo gabadh keli ku tahay wiil markii ugu
horraysey nolosheeda kana soocantay reerkeedii soo koriyay oo u ahaa hoy
sannado badan si ay u bilowdo nolol cusub oo qoys. Habeenkaas waxaa ay
caruusaddu u baahantahay baallasha ballaadhan ee naxariista iyo jacaylka
carruuska. Dumarku weligood ma illaawaan marka ugu horraysa ee ay la
kulmaan nin. Haddii habeenka kowaad noqdo habeen leh xiiso, naxariis,
dabacsanaan, raaxo, farxad, iyo is-faham weyn, gabadhu waxaa ay
dareentaa mahadin ay u hayso ninka nolosheeda oo dhan. Waayo-aragnimadan
aan la illaawikarin waxay markasta ku jirtaa xusuusteeda, qalbigeedana
kama baxdo weligeed.
Si gabadhu u uga adkaato werwerka, cabsida, iyo xishoodka hareereeya
habeenkaas, waa in caruusku kula dhaqmaa caruusadiisa naxariis, asluub,
dabacsanaan, iyo jacayl. Waa inuu u diyaariyaa caruusadiisa xidhiidh ku
abuura kalsoooni una sharraxaa in werwerka iyo cabsida ay qabtaa aanu
sabab lahayn kuna dhiirigeshaa inay hadasho. Waa inuu ogaadaa in
ooridiisa cusub ay aad ugu baahantahay inay dareento jacaylkiisa iyo
naxariistiisa iyo inay maqasho ammaantiisa. Caruusku waa inuu u muujiyaa
caruusadiisa  u dhawaansho iyo mukhlisnimo iyo inuu ka dhawro cadaadis
iyo xoog kuna dadaalaa inuu ka yareeyo fulaynimada. Waa wax dabiici ah
in caruusaddu ka xishooto inay si caadi ah ula hadasho caruuskeeda
habeenka kowaad ee arooska. Caruusku waa inuu kula hadlaan hadal macaan,
dabacsan, naxariis leh si uu si tartiib-tartiib ah qalbigeeda ugu galo
isaga oo og inay caadi tahay inay maqlayso iyada oo aamusan si ay marba
u siiso jawaab kooban.
Gabadhu waa inay fahamtaa, dhankeeda, inay waajib ku tahay inay saygeeda
cusub la qaybsato farxadda iyo jacaylka waana inay u hoggaansantaa
rabitaankiisa dabiiciga ah. Waa inay ogaataa in galmadu tahay waajib la
xidhiidha abuurka Eebbe (S.W.T) Aadanaha isla markaana xusuusataa
xikmadda ku jirta si ay uga adkaato werwerka iyo cabsida ay dareemayso
habeenkaas. Haweeneyda caadiga ah waxaa laga yaabaa inay marka hore
xishood is-giijin ah muujiso si ay u soo jiidato ninkeeda oo uu u hanto
iyada oo aan muujin wax iskacaabbin ama diidmo ah, hanasho leh asluub,
tudhid, iyo dabacsanaan. Marka dareenka raaxada galmadu si fiican u
fusho oo ay labadaba si farxad leh u taabato, ninku waxaa uu la
qaybsadaa ooridiisa dareenka farxaddaas isaga oo ku duceeya kana barya
Eebbe (S.W.T) inay ku wada noolaadaan nolol leh farxad iyo barwaaqo.
Marka ay qolka jiifka wada galaan waxaa looga baahanyahay in mid kastaba
midka kale ku salaamo salaanta Islaamka isaga oo saygu ku horraynayo.
Waxaa kale oo laga rabaa sayga inuu gacantiisa midig saaro wejiga
ooridiisa cusub dabadeedna uu akhriyo ducada lagu ducaysto habeenka
kowaad ee aqal-galka ee soo socota:
Cabdullaah Bin Caamir (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Eebbe
(N.N.K.H) inuu yidhi: “Marka midkasta oo idanka mid ah uu guursado oori
cusub, waa inuu gacanta saaraa wajigeeda dabadeedna uu yidhaahdaa:
‘Eebbow waxaan ku weydiisanayaa khayrkeeda iyo khayrka ay u janjeedho,
waxaana kaa magangelayaa  sharkeeda iyo sharka ay u janjeedho.”
[Diiwaanka Xigashada Xadiiska: Sunanka Abu Dawuud iyo Sunanka Ibnu
Maaja].
Marka laga hadlayo wax dhicikara, duco kasta oo haweenka si gaar ah ula
xidhiidha, raggana way khusaysaa sababta oo ah midkasta lammaanaha waxaa
uu rabaa inuu helo wanaagga midka kale. Sidaas daraadedd, haweeneyda waa
loo oggolyahay inay iyaduna ducadan ugu ducayso ninkeeda. Oorida cusub
waxay iyaduna odhanayasaa isla ducadan marka ay saygeeda cusub la
kulanto marka ugu horraysa, waxayna dhahaysaa: “Eebbow! Waxaan ku
weydiistay khayrkiisa iyo khayrka uu u janjeedho, waxaana ka
magangelayaa sharkiisa iyo sharka uu u janjeedho.”
Sababta ducadan loo akhriyayaa waxaa weeye iyada oo Ibna Aadamku aanu ka
badbaadin faqa xun ee Shaydaanka marka laga reebo Ambiyada kaas oo
gayaysiinkara qofka inuu u janjeedhsado dhinaca xumaanta ama sharka.
Sidaas daraadeed, waxaa lammaanaha cusub lagu dhiirigelinayaa inay
ducada midkastaba ugu duceeyo midka kale si ay uga nabadgalaan sharka
Shaydaanka ee isku dira sayga iyo ooridiisa. Ducada macnaheedu maaha in
saygu ama ooridu tahay shar ee waxaa weeye uun in laga nabadgalo
saamaynta sharka Ibliiska.
Habeen ka kowaad ee guri-galka, caruuska iyo caruusaddu aad ayay u
daallanyihiin culayska hawlaha iyo diyaargarowga ee maalinta arooska
awgeed. Markaas maaha wax khasab ah ama waajib ah inay habeenkaas
sameeyaan galmo. Haddii uu rabo, waxaa habboon inuu habeenka kowaad u
sheekeeyo, qalada iyo cabsida ka saaro gabadha, niyadeedana dejiyo oo
aanu kula degdegin galmo maadaama ay nolosha intii badnayd sugayso oo ay
galmada u haystaan waqti badan oo ku filan.
Laakiin, Si kastaba ha noqotee, waa ay doorankaraan inay galmo sameeyaan
habeenka kowaad ee arooska haddii aaynay dhib iyo culays midna ku ahayn.
Markasta oo sayga iyo ooridu rabaan inay galmo sameeyaan, waa inay
akhristaan ducada lagu ducaysto oo uu samaynjiray, Muslimiintana kula
dardaarmay Rasuulka Eebbe (S.C.W), taas oo ku cad xadiiska soo socda:-
Ibna Cabbaas (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Eebbe (N.N.K.H) inuu
yidhi: “Marka midkasta oo idanka mid ah uu la galmoonayo ooridiisa, waa
inuu dhahaa: ‘Eebbow! Aniga oo magacaaga ku bilaabaya, naga nabadgeli
Shaydaan, kana nabadgeli ilmaha aad nasiiso Shaydaan.” Haddii uu markaas
Eebbe u qoro ilmo galmadaas awgeed, Shaydaanku awood uma yeelanyo inuu
waxyeelo ilmahaas.” [Diiwaanka Xigashada Xadiiska: Saxeex Al-Bukhaari
iyo Saxeex Muslim].
Waxaa kale oo muhiim ah inaan caruusku ka shakiyin ama tuhmin
bikranimada caruusadiisa haddii ay ugu muuqato in aanay ahayn bikrad
xuubka oo jaban awgii. Gabdho dhawrsan oo weligood aan macsi samayn ayaa
uu ka jabikaraa xuubka bikranimada.Tuhunku waa wax aan sal iyo raadtoona
lahayn iyo figrad shareed oo qof ka haysto qof kale taas oo reeban
Diinta Islaamka. Xuubka bikranimada gabadha ee ku daboolan xubinteeda
taranka waxaa dhaawicikara oo jebinkara waxyaabo badan oo ay ka
midyihiin dhiig caado oo culus, xanuun gabadha ku raaga, dhicid, boodo,
iyo ciyaaraha qaar. Waxaa suurtagal ah in macsi galmo lagu tuhmo gabadh
aan macsi samayn weligeed sababta oo ah xuubka bikranimada ayaa jaban.
Sidaas daraadeed, raggu waa in aanay tuhmin caruusadahooda wanaagsan
haddii uu jaban yahay xuubka bikranimada oo u tuhmin in gabadhuhu
sameeyeen galmo macsi ah guurka ka hor.
Eebbe (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Kuwa (xaqa) rumeeyow! Ka jooga wax
badan oo male ah (tuhun). Xaqiiqdii, malaha qaar waa dembi.” [Suuradda
Xujuraat, Aayadda: 12aad].
Abu Hurayra (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Eebbe (N.N.K.H) inuu
yidhi: “Iskadadka kale, ha is basaasina, ha is necbaanina, ha kala teginina
(qaraabada ha goynina), noqda addoomo Eebbe, noqda walaalo.” [Diiwaanka
Xigashada Xadiiska: Saxeex Al-Bukhaari].
Bikrad-jebinta gabadha ee habeenka ugu horreeya ee galmada lammaanaha
midna dhibaato weyn kuma hayso haddii aan gabadha lagu samayn Gudniinka
Fircooniga ah ee daran. Haddii gabadhu aanay qabin Gudniinka Fircooniga
ah balse ka dareento xanaf ama hafeef xubinteeda taranka waxaa ay ku
qaboojinkartaa faasliin ama waxaa markaas ku habboon. Maaha wax laga
argagaxo haddii gabadhu isku aragto dhiig yar ka yimaada marka xuubka
bikranimadu jabo. Maaha wax dhibaato leh, waa wax caadi ah oo joogsada
dhakhso. Wiilku waa in aanu noqon axmaq haddii galmadu dhibayso
ooridiisa cusub oo uu marba u kaadiya.
Haddiise gabadhu qabto Gudniinka Fircooniga ah waa in wiilku ogyahay in
galmadu xanuun iyo dhiig-bax ku hayso gabadha oo loo baahanyahay inuu
aad ugu naxariisto kana ilaasho galmada dhawr maalmood ilaa inta gabadhu
ka bogsanayso dhaawaca ay galmadu u keento xubinteeda taranka. Ragga
qaar ayaa aaminsan in gabadha lagu bogsiiyo galmada. Runtii, figradaas
waa jaahilnimo, axmaqnimo, arxandarro, iyo naxariisdarro. Waa in si
rasmi ah looga tanaasulaa figraddan khaldan.
Jareer Bin Cabdullaah (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Eebbe
(N.N.K.H) inuu yidhi: “Qofka aan u naxariisan dadka, Eebbe uma
naxariisandoono.” [Diiwaanka Xigashada Xadiiska: Saxeex Al-Bukhaari iyo
Saxeex Muslim].
Gudniinka Fircooniga oo dhibaatooyin badan u leh caafimaadka haweenka
waa dhaqan fool xun, waaxana dhibaatada caafimaadka ee dhaqankaas xun
sabab u ah bedelaadda lagu samaynayo abuuritaanka Eebbe (S.W.T).
Abuuritaanka Eebbe (S.W.T) oo la bedelo waa dembi, sidaas ayuu xaaraan
ku yahay Gudniinka Fircooniga ah oo ah qalliin arxandaran, oo leh xanuun
badan. Dhaqankan foosha xun ee lagu bedelayo abuuritaanka jidhka qofka
waa xaaraan xagga Diinta Islaamka sida ay caddahnayso Aayaddan hoos ku
qoran.
Eebbe (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Abuuritaanka Eebbe lama bedelo.”
[Suuradda Ar-Ruum, Aayadda: 30aad].
Soomalidu meelkastaba ha jooogtee, waa inay cidhitirtaa dhaqanka foosha
xun ee Gudniinka Fircooniga ah oo raacdaa gudniinka Sunnaha ah ee wiilka
laga jarayo buuryada, gabdhahana laga jaro caarada wasladda huwan
xubintooda taranka. Ujeedada labadan caaro loo jarayo waxa weeye in laga
ilaasho inuu jeermis ku dhasho xubnaha taranka ee ragga iyo haweenka.
Author: Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
Date: Dec. 18, 2014.
[Qormadan waxaan ka soo qaatay Buugayga cusub ee lagu magacaabo:-
Aragtida Islaamka: Guurka, Qoyska, iyo Xidhiidhka Galmada, kaas oo ku
salaysan Diinta Islaamka oo aan ka turjumay Buugayga Afka Ingiriisiga ku
qoran oo lagu magacaabo:- Islamic Golden Book: Marriage, Family, and
Marital Relations].
[Buugga: Islamic Golden Book waxaa hadda laga helikaraa meelaha kala
ah:- USA: Amazon.com, Ebay, Books-A-million, Barnes&Nobles and so on;
U.K: Amazon.co.uk; Canada: Amazon.ca; Australia: Booktopia.com.
Mareegahan ku qor magaca: Islamic Golden Book si aad u aragto Buugga iyo
waxa uu ka hadlayo].
[Aragtida Islaamka: Guurka, Qoyska, iyo Xidhiidhka Galmada waxaa uu soo
baxayaa Xagaaga 2015 In Shaa Allaah].











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment