Guurka iyo Farxadiisa Waxey Ku Xirantahay Faraxada Sariirta!

Bulsha:- Cilmi baaris badan oo la sameyey ayaa lagu ogaaday in qoyska marwalba faraxsan isku kalsoon isla markaana ay ka muuqato dhiiranaan iyo kalgcayl dhexdooda ah ay haystaan qanacsanaan dhanka raaxada sariirta ah.

waxayna isku raaceen dadka u dhaba gala arimaha cilmi nafsiga haweenka in dumarka laga dherjiyo ama laga haqab iro baahidooda sariirta ay ka firfircooni iyo nashaad badanyihiin marka ay dhacdo taas lidkeeduna ay dhacayso in uu noqdo gurigu meel mugdi ah oo aad moodo in aysan nololi ka jirin.

gabdho badan oo aan wax ka waydiinay arintaas waxay noo carabaabeen in ay wax ka jiraan balse aysan ahayn sida loo sheegayo taasna kaama hor istaagayso in aad ka gaarto go’aan dhamaystiran in ay isku xiranyihiin farxada sariirta iyo farxada qoyska.

walow ay jiraan waxyaalo aad u faro badan oo kaala ama caawiya farxada qoyska haddana waxynaan dhayalsan karin in dumarku ay farxad saa’id ah ku qabaan ama ka helayaan ninka aadka ugu jimciya sariirta isla markaana ku darsada furfurnaanta iyo dabac nugaylka qaasata xiliyada ay soo dhowyihiin ciyaaruhu.

haddaba maxay tahay taladu?

talada ugu muhiimsani waxay tahay in aad fahamto qoftaada sida ay ku tahay sariirta waxyaalaha ay hesho iyo qaab ciyaareedka cajab galiya adiga oo mar kasta banaanka soo dhigaya waxyaalaha u qarsoon si aad u gaarto heer aad dhadhansiin kartid nolol macaan ayna kuugu sahlanaato in aad qalbigeeda ka dhigto wax gacantaada ku jira.

intaas waxaa dheer ama dheeraan kara in qoftaada aad ku anciso dhanka hadalka macaan taladana aad wax ka siiso si ay iskugu dareento in aysan ahayn oo kali ah ruux u samaysan sariirta oo qura.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment