Guurka:- Haweenka Noocee Ah Ayuu Nin Waliba Ku Hamiyaa?

Bulsha:- Badanaa Raggu waxey Jecelyihiin dumarka quruxda badan xaqiiqdii, taa macnaheedu ma aha inaad u ekaato sida hablaha xayaysiiska quruxdooda oo kale,laakin ahaw mid quruxdeeda dabiiciga ah difaacata,hadana waa inaad taqaanaa quruxdaada masaaxada ay la’eg tahay iyo sidaad uga faa’iideysan karto,adigoo aanan sharaftaada ku xadgudbeynin ama jirdhkaaga banaanka soo dhigeyn.

Ku xisaabtan mar walba quruxdaadu waa hubkaaga,laakin ka fogow quruxda ka badbadiska ah,dhibaatada ay kuu geysaneyso ayaa ka badan faa’iidada ay kugu soo kordhineyso.

2. Maskax.

Dad badan waxey qabaan in caqligu uu qurux yahay, nimankuna aad ayey u soo jiidataa gabadha caqliga badan,ee maskaxdeedu shaqeysa. hadii aad tahay mid ka warheysa waxa ka socda hareeraheeda,taqaanana si ay u maareyso xaaladaha la soo dersa. Raggu aad ayey u jecel yihiin haweeneyda u tartanta iney wax la qaybsato, miiska soo saarta aragtida cajiibka leh.

 3. Jidh isku qanacsan.

 Inta badan raggu wey ka helaan haweenka qaab ahaan ku haboon,laakin waxey kaloo jecel yihiin haweeneyda shaqsi ahaan isku filan ee ku kalsoon nafteeda,islamarkaana qaadan karta go’aano wax ku ool ah ee ku saabsan nolosheeda,hadana aan jecleyn iney dad ku tiirsanaato.hadii aad intaas oo karti leedahay xagooda dahab ayaad ka tahay.


 4. Hab nololeedka.

 Isku dheelitirka hab nololeedku waa muhiim. Rag badan aad ayey uga helaan iney la kulmaan qof isku dheelitiri kara shaqadiisa,qoyskiisa,asaxaabta iyo qofka uu xidhiidhka jaceyl la wadaagayo,waxaana u sawiran haweenka madaxa banaan ee taqaan waxa ay dooneyso iyo yoolka ay hiigsaneyso










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment