Goobaha Shiishada Sacuudiga oo dumarka maxram ama ragooda inuu lasocdo u shardiyay

Bulsha:- Dumarka waddamada Carabta ayaa si weyn u adeegsada Shiishada.

Khasab miyaa inuu maxram la socdo dumarka markay doonayaan inay shiisho cabaan?

Doodan ayaa ka socotay baraha internet-ka ee ay bulshada ku wada xiriiraan ee dalka Sacuudi Carabiya.

Doodan ayaa billaabatay kaddib markii la soo dhigay barta Twitter-ka sawir laga soo qaaday meel lagu cabo shiishadda.

Goobtan lagu cabo shiishada ayaan loo oggoleyn in ay galaan dumarka aanay la socon maxramkooda.

Maxram la’aan laguuma oogalanayo in aad gashid oo aad xitaa ka qaxweysid hotellada qaar.

Shiishadda oo sidoo kale loo yaqaan Hookah ayaa ragga iyo dumarka ay isku si ugu cabaan gudaha wadammada Carabta.

Shiishadda ayaa lagu cabaa tuubo, iyadoo madaxa horana la saaro tubaako lagu daray qudaarta qaarkeed taaso dadka markey dhuuqaan ay qiiq sanka ka sii daayaan, waxaana la cabaa shiishadda xilliyada nasiinada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment