Galmada Ugu Jecelyihiin Gabdhaha Arooska ah

Bulsha:- Galmada sharciga ahi kaliya maahan hab markaasi lagu ilaaliyo xiriirka ka dhaxeeya labada lamaane oo qura, lakiin waxaa sidoo kale laga hela galmada faa’iidooyin markaasi la xiriira Cafimaad isla markaana aad muhiim ugu ah nolosha aadanaha.

Haddaba wuxuu webstie­ka iftineducation.com idiin soo gudbinaya Daraasad aad muhiim u ah oo ka shakeyneeysa 8 faa’iido oo ay galmadu u leedaha caafimaadka.

1. GALMADU WAXEY KOR U QAADA ISKU KALSOONAANTA. In aad isku kalsoontahay mar walba waxey faa’iido u tahay nafsadaada iyo dadka kugu xeeran. Mar walba sida aad u dareemeyso nafsadaada ayaa waxey ka turjumeysa sida dadka kale ay markaasi kaga jawaab celinayaan, haddaba isku kalsoonaantu waxey muhiim u tahay sida aad dadka kale ula dhaqmeyso, mar kasta haddii loo arko in aadan isku kalsooneyn waxey taasi tilmaam u tahay daciiftinimo ka heysata dhanka Bulshada.

Haddaba in aad sameysid galmo xiliga aad doonto iyo sida aad u doonto mar walba waxey kaa saacideysa in aad noqotid qof aad u faraxsan oo isku kalsoon, sidoo kale ayaa waxaa la sheega in lamaane kujecel oo isla markaana ku siiyo waxa aad rabto xiliga aad u baahantahay ay taasi ka dhigantahay talaabo markaasi door ka qaadan karta kalsoonidaada oo kororta.

2. GALMADU WAXEY YAREEYSA WELWELKA. Welwelka faraha badan ayaa wuxuu noqon kara sabab keenta markaasi cuduro ku dhaca jirka, tusaale ahaan Cudurka Karka Dhiigga ( Blood Pressure) iyo Jawaab celinta difaaca jirka oo hoos u dhacda ( Lowered immune response) ayaa dhamaantooduba waxey yihiin cuduro markaasi laga qaado welwelka faraha badan, sidaasi darteed ayaa waxaa muhiim ah mar walba in aad heerka welwelkaada aad yareyso si markaasi aad u hesho nolol aan dhibaatooyin badneyn. Haddaba waxaa cilmi baaris la sameeyay lagu soo ogaaday in galmada iyo marxabeenta dhacda kadib ay wax xooga hoos u dhigaan heerka karka dhiigga, isla markaana ay qofka u fududeeyaaan in markaasi uu yareeyo Welwelka heysta ( Stress), sidoo kale ayaa waxaa la sheega in galmadu ay aad usii qoto dheereyso xiriirka u dhexeeya labada lamaane iyo sida qofba qofka kale uu uga bixin karo sharaxaad la xiriirta markaasi nafsadooda.

3-  Haddii aad tahay qof cayilan misaanka jirkiisuna uuna dheeli tirneeyn ogow mar walba waxaa qatar ugu jirtaa in ay kugu dhacaan dhibaatooyin cafimaad. Waxaa mar walba talo lagu bixiyaa in uu qofku la socdo misaanka jirkiisa iyo sida uu la jaan qaadi karo dherarkiisa, inta badan dadka ku nool maanta aduunka waxey aad uga cawdaan culeeyska jirkooda oo aad u badan, haddaba haddii aad doneysid in aad arintaas u hesho xal jawaabtu waxey mar walba taala albaabka gurigaada iyo sariirtaada. Ogow galmada waxaa lagu tiriyaa in ay jirka u tahay Layli, tusaale ahaan 30 daqiiqo oo aad sameysid galmo waxey kaa saacidi kartaa in aad lumiso misaanka jirkaada 12 garaam haddii aad tahay qof aad u cayilan isla markaana doonaya in uu jirkiisa dhimo.

4. GALMADU WAXEY XOOJISA XIRIIRKA LAMAANAHA. Cilmi baarisyo fara badan oo la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in ay galmadu markaasi qeyb weyn ka qaadato xiriirka u dhexeeya labada lamaane, tusaale ahaan lamaanaha sameeya galmo 5 jeer usbuucii waxaa la ogaaday in xiriirka u dhaxeeya labadoodu uu awood sii yeesho marka loo fiiriyo lamaanaha sameeysa wax ka yar intaas usbuuci.

Qoys is qaba oo ku wada nool farxadna waxaa aad u yar mar walba in ay hormariyaan ama ay ku dhacaan cudurada Kansarka iyo kuwa ku dhaca wadnaha. Jirka Banii’aadamku wuxuu mar walba soo saaraya dhecaano kala duwan ( hormones) kuwaas oo qeyb ka qaata horumarka xiriirka jaceyl ee ka dhexeeya lamaanaha mar kasta oo ay sameeyaan galmo, midka ugu muhiimsan dheecaanadaasina waxaa loo yaqaan Oxytocin waxaana lagu Naaneysa dhecaanka Jaceylka ( Love Hormone), Dhecaankaan maskaxda laga soo sii daayo ayaa wuxuu aad u dhaliyaa dareen xiriir wanaag oo dhex mara labada lamaane ee markaasi isu galmoonaya, dhecaankaan ayaa waxaa laga soo sii daaya qeyb markaasi ka tirsan Maskaxda marka labada.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment