Gabdhihii Sacuudiga loo qaaday oo war aan wanaagsaneyn uu kasoo yeeray…

Bulsha:- Iyadoo dowladii hore ee Somalia ay boqolaal Gabdho ah u shaqo geysay dalka Sacuudiga ayaa waxaa durba soo baxaaya qeyla dhaan kasoo yeereysa Gabdhahaasi.

Fartuun Maxamuud oo kamid ah Gabdhihii ay waday Dowladii Xasan Sheekh kuna sugan dalka Sacuudiga, ayaa sheegtay inay kala duwan tahay qaabka loo waday iyo waxa ay iminka kala kulmeen Dowlada Sacuudiga.

Fartuun waxa ay sheegtay in DFS ay kuwar galisay in shaqooyin iyo Waxbarasho ay ka siineyso dalka Sacuudiga balse markii laga waday magaalada Muqdisho lagu xirtay guryo ayna maalin weliba jir dillo iyo Falal Kufsi uu ka mid yahay kula kacaan dhalinyaro Sacuudiyaan ah.

Waxa ay sheegtay inaan loo ogoleyn in ay tagaan ama la xiriiraan Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga, waxa ayna meesha ka saartay inay heystaan shaqooyin fiican ama waxbarashadii lagu soo waday.

”Waxaan nahay Gabdho aad u badan oo aan heysan nolol ama shaqooyin fiican, ujeedka noola soo waday maahen in lagu cayaaro sumcadeena ama jirkeena waxaan halkaani ka qirayaa in dowlada Sacuudiga seddex meelood hal meel aysan wali shaqo geynin Gabdhihii laga soo waday Muqdisho”

”Waxaa jira Gabdho farabadan oo aan anigu kamid ahay oo aan wali lasiin shaqooyinka iyo waxbarashadii lagu soo kaxeeyay, waa in dowlada Somalia ay inoo xaqiijisaa sababta ay noo hagar daamisay anagoo wali ah Gabdho Soomaaliyeed”

”Markii aan la kulano falal anshax xumo ah waxaa nalagu wargaliyaa inaan la xiriiri karin Safaarada Somalia ee Sacuudiga, mana jirto cid ilaa iyo hadda naga warqabta nolol iyo geeri”
”Waxaa jira Gabdho u geeriyooday falal jir dil iyo faraxumeyn ah oo gaaraya ilaa 5, waxa harsan waa Gabdhaha kale oo iyaguba la kulma dhibaatooyin badan”

”Waxaan dowladda Somalia ka dalbaneynaa in ay naga caawiso sidii dalkeena dib naloogu soo celin lahaa” ayay tiri Fartuun Maxamuud oo intaa raacisay inay jiraan xad gudubyo dhowr ah oo aan la sheegi karin.

Qeyla dhaanta Fartuun Maxamuud iyo Gabdhaha kale ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan dowlada Sacuudiga loogu qaaday Gabdho Soomaaliyeed oo la sheegay in Jaariyado ay ka noqonayaan Xafiisyada iyo Guryaha Sacuudi Arabia.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment