Gabar 6 jir ah Oo Kamid Noqotay Maal-qabeenada Aduunka Siina dalbatay Ninka ay Guursan doonto (Cajiib)

Bulsha:-  Hadaba Inkastoo Da’deedu ay aad u yartahay ayna jirta 6jir, hadana Izabela Barit oo ah Boqorada Quruxda Caruurta Dunida waxay kaloo ku guuleysatay inay ka mid noqoto Maal Qabeenada Caalamka,

Lakin Hantideeda gaarka ah waxay sii dhaaftay Gabadhan Hal Milyan oo Dollar, waxayna Lacagteeda ku maal galisay Mashruuc lagu soo saarayo Waxyaabaha ay Habluhu isku qurxiyaan ama isku nadiifiyaan,

Izabela Barit ayaa waxay noqotay Xidigad Xayeeysiinta Telefishinada lagu soo qaato, ka dib markii ay ku guuleysatay Barnaamij si wayn dood uga dhaliyay Mareykanka, markii Dadka qaarkiis ay ku doodeen in Tartan loo galayo Quruxda aanay Ilmaha yar yar u wanaagsanayn si naba dadka waweyna ay ku fiicantahay quruxda,

Balse arrinta kicisay Carada Dadka Mareykanka ah waa, Gabadhan Hooyadeed oo Lacag gaaraysa 50 Kun oo Dollar ku bixisay Dharka iyo Qurxinta Gabadheeda, inkastoo Dadka qaarkiis ay taas ku tilmaameen Maal-galin lagu sameeyay Quruxda Gabadheeda,



Ugu danbeeyntii Iyadoo Wareysi siinaysay Wargeys Ingariiska ka soo baxa ayeey Gabadhan yarta ahi muujisay farxadeeda ah inay noqotay Milyuuneer Da’ yar ah, iyadoo tilmaamtay inay aad u jeceshahay Dharka iyo Kabaha, taasina ay ku dhalisay Fikirka ah inay samaysato Calaamad Ganacsi oo iyada u gaar ah,











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment