Daraasad Bayaamisay In Kafeega Laga Helo Awood Iyo Firfircooni

Bulsha:- kafeegaWaxa dhawaan la ogaaday in shayga la yiraahdo koffeiinet ee ku jirta kafeega uusan ahayn mid sidaa u awood badan. Taas oo ka dhigan in qofka sida joogtada ah u cab hal koob oo kafee ahi uusan caajisku ka saarayn.

Hadaba sida lagu sharxayo daraasad lagu sameeyay qaybta tijaabooyinka cilmi nafsiga ee jaamacada Bristol ayaa waxa ay soo bandgigtay in marka uu qofku cabo kafee uu u malaynayo in uu caajiskii ka baxay. Laakiin taasi waxaa ay daraaddu ku tilmaantay “illusion” oo ah istusid ama in la is dareensiiyo dareen aadan si dhab ah u dareemaynin.

Tijaabadan ayaa waxa lagu sameeyay 379 qof oo laga joojiyay in ay cabaan kafee waqti dhan 16 saacadood. Kadbib ayaa waxa la siiyay qaar ka mid ah kafee qaarna placebo (wax aan kafe ahayn oo qofka u malaynaayo Kafee). Kadib ayaa waxa la arkay in wax farqi ahi u dhexayn kuwii cabay kafee-ga caadiga ah iy kuwii la siiyay cabitaanka placebo.


Waxa kale oo baaritaanka lagu ogaaday in kuwa sida joogtada ah u caba kafee in uu jirkoodu la qabsaday kafeiin-ta. Hadaba marka qofka sida joogtada ah u caba kafeega in uu dareemo firfircooni ayaa waxa sabab u ah jirka oo hela kafeiin-ta uu tabayo. Sidaa darteedna aanu u ahayn mid firfircooni laga helayo, caajiska kaa bi’iya.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment