Daawo:- La Kulan Krishna Shroff Waa Jackie Shroff Gabadhiisa Oo Bollywood-ka Mustaqbalka Kusoo Biiri Doonto

Bulsha:-Jiil badan ayaa u diyaarsan inay mustaqbalka dhow fanka Hindiya la wareegaan hadaba Krishna Shroff ayaa diyaar garow xoogan ugu jirto inay dhawaan Bollywood-ka kusoo biirto.

Krishna Shroff waxaa aabo u ah ruug cada Jackie Shroff oo mudo dheer Bollywood-ka kusoo jiray halka hooyadeed lagu magacaabo Ayesha Shroff sidoo kalena gabadhaan waxay walaalo la tahay Tiger Shroff oo haatana ah atoore Bollywood-ka awood ku leh.

Krishna Shroff oo 24-jir ah dhawaan waxay sheegtay inaysan qaadi doonin wadadii aabaheed iyo walaalkeed qaadeen oo ay ula jiido in filimada aysan wax ka jili doonin.

Krishna Shroff waxay sheegtay inay Director ama filim sameeye noqon doono haatana waxay shaqo ka bilaawday inay Director caawiye ka tahay filimka Munna Michael ee walaalkeed Tiger Shroff hogaamiye ka yahay lana daawan doono 21 July 2017.

Krishna Shroff waxay rabtaa in Director noqoto balse quruxleydaan wey u qalantaa inay atirsho noqoto oo ay shaashadaha wacdaro ka dhigto quruxda ay leedahay awgeed.
Sawiro U Gaar Ah Krishna Shroff Hoos Kaga Bogo:









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment