Caasho X. Cilmi oo si cajiiba uga hadashay go’aanka Maxkamada Sare ee lagu laalay 8 Kursi

Bulsha:- Iyadoo maalmo un ka hor Maxkamada sare ee dalka ay shaacisay in dib loogu celinaayo 8 kamid ah Kuraasta Aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa arrintaasi maanta kulan ka yeeshay Xildhibaanadii cabashada u gudbiyay Maxkamada sare.

Kulanka oo ahaa mid lagu taageerayay go’aanka Maxkamada sare ay ku diiday 8da kursi ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanadii hore ee laga musuqay kuraasta.

Xildhibaanadani hore ee laga musuqay kuraasta ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan go’aanka Maxkamada Sare ay ku laashay 8da kursi ee la musuqay.

Waxa ay sheegen inay aad ugu faraxsan yihiin in dadaal dheer kadib ay ku guuleysteen in Tartan lagu wada qanacsan yahay oo cadaalad ah loogu laabto kuraasta 8 ah ee muranka uu ka taagnaa.

Xildhibaanadii hore ee goobta isugu imaaday ayaa waxaa kamid ahaa Ex Xildhibaan Khaalid Cumar Cali iyo Marwo Caasho Xaaji Cilmi oo aad usoo dhaweeyay go’aanka.

Khaalid Cumar Cali, ayaa sheegay inuu ku qanci doono haddii uu guuleysto ama laga guuleysto, waxa uuna cadeeyay keliya inay doonayaan in wax waliba lagu saleeyo cadaalada.

Marwo Caasho Xaaji Cilmi, ayaa iyana sheegtay inay ku faraxsan tahay in dib loogu laabto doorashada, waxa ayna cadeysay inay ku qanci doonto wixii nasiibkeeda uu noqdo.

Waxa ay si wada jira u sheegen in go’aanka Maxkamada Sare uu yahay mid Cadaalad ah islamarkaana ah mid ay xaq u leeyihiin inay dhibanayaasha difaacdo.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili dhawaan Maxkamada Sare ee dalka ay ku dhawaaqday in dib loogu laabanaayo 8da kursi ee muranka dhalisay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment