Alia Bhatt Oo Amaan Kala Dul Dhacday Sunny Deol Iyo Filimkiisa Ghayal Once Again

Bulsha:- Xidigta dhalinta yar Alia Bhatt ee ka mid ah xiligan atirishooyinka loogu jecel yahay Bollywood­ka ayaa daawatay filimka Ghayal Once Again. Alia Bhatt ayaa si wacan uga heshay sheekada filimka GOA iyo bandhiga uu filimkan Sunny Deol ka muujiyay madaama uu atoore kowaad iyo Director ka yahay.

                                                                Alia Bhatt wacay tiri “Jiil cusub ayuu soo jiitay taxanaha Ghayal, waxaan ka helay Action­ka iyo fariinta uu GOA xambaarsan yahay” “waxaan siweyn ugu qeylinaa una taageersanahay Sunny Paji iyo wacdaraha uu GOA ka muujiyay”.

Filimka GOA ayaa noqday filim haatan siweyn usoo jiitay jilaayaasha Bollywood­ka sidoo kalena dadka filimada ka faaloodo waxay ku tilmaameen filim u sameeyay Sunny Deol soo laabasho saameynteeda leh.   

Hadaba aqriste hadii aad daawatay filimka GOA fikirka Alia Bhatt mala qabtaa mise mid ka duwan ayaad qabtaa?










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment