Abaayo Waad Hanatay Guushee, Guurso Oo Guri Yagleel (Sheeko Xiisa badan)

Bulsha:-  “Laba aan is hurin, hadana aan is hayn, intuu caashaq wada heley, kala geeyey waayahu, waa qiso dhab ah ee ka dharag aqristoow.!!

Waxaad mooda in maalmuhu is badalayaan dadkuna qaadanayo qaladkooda iyo Saxa, hadaba ka bogosho wacan qisadan cajiibka.
Waxa aay iga soo gaartay qisadaan lamaane soomaaliyeed oo in badan ka dhaxeeyey jaceyl mahiigaan ah iyo waliba dareeen dhab ah kaaso qaan gaarey korna u dhaafey 5sano iyo wax la socdo, waxa aay isla joogeen lamaanahaani mudo laba sanno ah 3sano way kala maqanaayeeyn kuna kala noolaayeen labo qaaradood.

Waxa sii daba dheeraatay rajadii la lahaa waxaana so af jarmi waayo waqtigii la sugaayey waxaana daaqada ka baxay balamahii iyo wacadkii, macnaheedu ma ahayn in laga baxay intoodaba ee waxaa lid joogta ah noqdey waa waqtiga oo saamaxi waayey in aay iksu yimaadaan labadaan qof ee halkaa ka aas aasaan guushooda.

Waa xili subaxnimo mid ka mid ah labadooda waxuu tabayaa cidlo aan dhamaad laheyn waxaana hareero socdo cimriga oo si xowli ah ku socdo, waxuuna is weydiinayaa hadmaad ka baxi doontaa kalinimada iyo cidladaan oo aad lamanahada heli donta.

Laakin waa riyo maalmeed oo wax suura gali karaahi ma jiraan maxa yeeley waa lakala fogaadey midkoodna uma imaan karo midka kale, oo kii baxay oo aadey dibadana ma haysto sharci uu ku soo laabto, kii ku noola soomaaliyana ma awoodo inuu u tago.

Wiilki waxaa u soo baxdey inuusan cudur jirin balse ciladi jirto waxa uuna go,aan ku gaarey inuu gabadhaan u fasaxo musqbal iyo hormar maadama uusan waxba ku soo kordhin Karin, waa hadii aay ka yeesho hadii aay ka diidana waxuu go,aan ku gaarey inuu halkeeda ku mahersado, oo iska sugaan maalinta Alle Swt dhab ka dhigo doono riyadooda, wuuna u sheegey gabadhii uu jeclaa.

Ayada qudheeda waxaa saarna cadaadis guud oo xaga waalidka ah waayo asaageedi waa kuwa wada guursadey ayaduna wali wax ma hayso, ilaa dhowr qofood baa soo doonatay oo aay ku gacan seertey waxa aayna xajineysa waa balantii iyo wacadkii, waalidka xata waxa aay ku faraxsan yahiin iney inantoodu guursato oo aay guri keeda ah hesho, balse saaka waxaa loo sheegay waa fariintan.

Markii uu u sheegey runtii aad bey u wel weshay ugana dhiidhisey dareenkeeda laakin waxa aay garowsatay inu si daacad ah wax u socdaan, halkii ayaana la iskugu faataxeeyey midba midka kale u duceeyey inuu helo gurig waasac ah iyo goob lagu xasusto farxad.

Bil kadib gabadhii waxaa guursadey ina adeerkeed marar badan u soo bandhigey daryeel iyo inuu doonayao ayada, sidaas ayaana lo guri geeyey oo loo aroosey waliba intuu awoodo ayuu ka qeyb qaatay guurkeeda, si kal iyo laab ah ayaana la isku macsalameyey.

Buug uu ka qorey qisadooda ayuuna diiwaan uga dhigey waad hanatay guushee, guurso oo guri yeelo abaayo, sidaas ayaana lagu kale tagay oo qof waliba waji iyo bog cusub u furmey noloshiisa.

Hadaba sided u aragtaa go,aanka labadaan lamaane ee ku aadan in aan la is lugooynin hadii aan la awoodin guurka iyo wada jirka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment