WARBIXIN CULUS: MD Farmaajo oo amray in safaaradaha ay ka baxaan garoonka diyaaradaha Muqdisho

Bulsha:Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dooneysa in xarumaha aan munaasabka aheyn laga raro safaaradaha iyadoo madaxweyne Farmaajo uu arintaas ka shaqeynayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu fariimo wargalin ah u diray dhammaan Safiirada caalamka ee ka howlgala gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu Safiiradaasi ku dhex shaqeeya Gudaha Garoonka ku amray inay ka guuraan gudaha Garoonka isla markaana degaan dhulalka ay horay u lahaayen.

Amarka ayaa la sheegay inuu ku socday dhammaan Safiirada waxaana la sheegayaa in loo qabtay muddo kooban oo ay kusoo degayaan gudaha magaalada, iyadoo Garoonka loo madaxbaneynaayo howlaha dowlada.

Xogta ayaa intaa kusii dareysa in Ciidamada degan gudaha Garoonka loogu baaqay inay Saldhigyo ka dhigtaan daafaha magaalada Muqdisho.

Qorshaha Madaxweynaha ayaa daba socda qorsho dhawaan uu Ra’isul wasaaraha dalka ku mamnuucay dhismaha ka dhex socda Garoonka Aadan Cadde oo u badnaa kuwa ay dhisanayeen Safaarado dhowr ah

Si kastaba, Lama oga sida uu ku dhaqan gali doono qorshahaasi waxaase loo badinayaa in dhinacyada uu amarkaasi ku socdo aysan fulin doonin waaba haddii uu amarka rumoobo.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment