Sir Daaha Laga Qaaday: Karan Johar Aishwarya Rai Ayuu Filimka KG3 U Dhiiban Lahaa Hadii Kajol La Weyn Lahaa

Bulsha:-  Waan wada ognahay filimka weyn Kabhi Khushi Kabhie Gham inuu Blockbuster weyn noqday sidoo kalena 16-sano ka hor uu Boxoffice-ka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka iskooro lixaad leh ka sameeyay.

Balse waxaan wada ogeyn in filimka KG3 Director Karan Johar qorshe badan u dajiyay filimkaan waxaana qorshihiisa ka mid ahaa hadii Kajol aysan u suura gali laheyn sameynta filimkaan inuu Aishwarya Rai Bachchan ku badali lahaa.

Karan Johar ayaa sirtaan daaha ka qaaday wuxuuna yiri “Ma hubin Kajol haa dhihi laheyd sameynta KG3 waayo Ajay ayaa guursaday sidoo kalena waxaa la isla dhex maraayay in filimada ay ka fariisan doonto”

“Doorka Anjali Sharma waxaan qoray anigoo niyada ka haayo Kajol markii aan u diray fariin ku aadan sameynta KG3 waxaan ka cabsaday inay iga diido, kadib waxaan diyaarsaday qoraal kale oo aan Aishwarya Rai u diri lahaa hadii Kajol maya i dhihi laheyd”

“Laakiin si la yaab leh ayay Kajol iigu soo jawaabtay waxayna ii sheegtay inay KG3 sameyn doonto sidaa darteed warqadii labaad ee aan qoray oo aan rabay inaan Aishwarya Rai u diro kana codsado sameynta KG3 meesha ayan ka saaray”

Dabcan Kajol marka ay sameesay doorka Anjali Sharma waxaan ognahay inuu door taariikhi ah noqday ayadoo abaal marino aad u fara badan ku qaadatay filimkaan sidoo kalena Karan Johar ku farxaday bandhigeedii Classic ahaa xidigtaan.

Hadaba aqriste bal qiyaas hadii Aishwarya Rai loo dhiibi lahaa doorka Anjali Sharma ee filimka KG3 wacdaro ma u dhigi laheyd sida Kajol u dhigtay oo kale………..











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment