Qof Dumar ah oo Aabeheed Siisay Caanaha Naaskeeda si Ay Naftiisa U Badbaadiso!!

Bulsha:- Jariidada la yiraahdo Daily Mirror ee kasoo baxda dalka Ingirirska ayaa soo qortay  haweeney ilmayar nuujineysa ay siisay caanaha naaskeed aabahed oo uu hayey cudurka kansarka.

Jariidadu waxay intaa kusii dartay in Helen oo 40 jir ah  ay aragtay daraasado kala duwan oo sheegaya in caanaha Hooyadu uu difaaca jirka adkeeyo, waxay go’aansatay iney caanaha siiyo Aabeheed oo Kansarku ku gaaray meel khatar ah, iyadoo caanaha canugeeda uga rukuntay qeyb maalin kastana u miiri jirtay aabaheed, si noloshiisa ay u badbaadiso.

Arthur oo ah aabaha gabadhan dhalay waa 72 jir, 2009 ayaa waxaa ku dhacay cudurka Kansarka, kaas oo barootiinka jirka kor u qada isla markaana daciifinaya difaaca jirka, lafahana xoog u waxyeeleeya.

Dhanka kale dhakhaatiirta ayaa tilmaamay in aaney jirin wax hubaal ah in caanaha hooyadu uu kaalin ka qaatay wax ka qaadatay daweynta Arthur aabaha Helen.

Arthur ayaa nasiib darro geeriyooday 16 bilood ka hor, isagoo u dhintay cudurkii Kansarka ahaa ee ku dhacay.

Ugu dambeyn, waxaa dad badan ka yaabiyay arrinka oo ah xaalad cusub oo gabadhaas ay aabaheed si ay naftiisa ku badbaadiso ay u sameysay arrin Naadir ah oo isagoo kale aan inta badan la arkin











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment