Qiso Xanuun Badan: Nin Xaaskiisa Shaki Qaldan Ka Qaaday Oo Mucjiso Lagu Tusay Raalliyannimadeeda..

Bulsha:- Waxaa jiri jirtay inan yar oo agoon ahayd oo hooyadeed ahayd cidda keliya ee adduunka u joogta, waxaa guursaday ina’ adeerkeed. Laakiin waxa uu ku noqday nin qallafsan oo dulmi badan u geystay, isaga iyo ehelkiisuba waxa ay xumeeyeen inantii oo ay ula macaamileen sida adeegto iyaga u shaqaysa. Waxaa u dheeraa aflagaado iyo gacan ka hadal badan.


afsoomaaliga u rogay oo uu ka soo xigtay wargeyska Al-Jamhuuriya ee ka soo baxa dalka Masar waxa ay intaas ku dartay, Inantani marka ay dareento in dulqaadkii iyo adkaysigii ka dhammaanayaba waxa ay tegi jirtay halka ay adduunyada ugu jeclayd oo ahayd gosha hooyadeed, si ay maalintaa ugu soo nafisto, naftana u tusto in ay jirto cid ay agteeda qiimo ku leedahay.

Hooyadeed oo taag darrada da’da ay u raacday xanuunka dayaca ku helay waxa ay arkaysay in aanu u furnayn jid kale oo aan ahayn in ay inanteeda ku waaniso in ay gurigeeda iska haysato Alle hortiina ugu samirto saygeeda. Toban sano oo xaalku sidaaahaa kadib, hooyadii waa ay geeriyootay, inantiina waxaa u dumay gabbal kale oo waxa ay weyday xitaa halkii ay ku nafisi jirtay ee calool xumada ka buuxda uga caban jirtay.

Waxa se’ dhacday in hooyadan oo ahayd qof cibaado badani ay inanteeda u sii dardaarantay arrin cajiib leh, “Hooyo haddii adduunyadu kugu cidhiidhi noqoto oo aad weydo cid aad u cabato, qolkaygan kaalay oo sijaayaddaydaas ku tuko, oo Alle halkaas ku bari, isagana u cabo” Sidii ayaa ay inantii yeeshay oo toddobaad kasta hal maalin ayaa inta ay qaadato caagad biyo ah oo weyso iyo cabbitaan ay ka dhigato, ay tegi jirtay qolkii cidlaa ahaa ee hooyadeed ka dhimatay oo ku soo ducaysan jirtay.

War xumo tashiil iyo ruux wanaagga dadka ka naxaa abidkiiba waa uu jiray ee markiiba dad baa u yimi ninkii oo weydiiyey sababta xaaskiisu ay toddobaad kasta mar u baxdo iyada oo biyo sidata, in badan kadibna soo noqoto iyada oo sidata caagaddii oo madhan. Isna ma hubsado ayaa uu noqday oo markiiba waxaa galay tuhun iyo hinaase aan meeshaba le’ekayn.

Markii uu dabagalayna waxa  uu ogaaday in ay tagto qolkan, sidaa awgeed si uu u ogaado cidda uu is leeyahay gudaha qolka cidlada ah ayaa ay u sii joogtaa ama ugu timaaddaa ayaa uu maalinkii dambe qolkii goor hore yimid oo meel ka mid ah isku qariyey isaga oo sugaya xaaskiisa uu ka soo dheereeyey markay gurigii ka soo baxaysay iyo ninka uu is leeyahay waa uu u iman doonaa.

Gabadhii qolkii ayaa ay timid oo inta ay weyso qaadatay biyihii u hadhayna agteeda dhigtay ayaa ay sijaayad duug ah la soo baxday oo ay salaad tukatay. Kadib waxa ay akhriday duco dheer oo iyada oo ilmaynaysa ay Alle uga cabanayso culayska uu ninkeeu ku hayo, balse sheegaysa in ay jeceshay oo ay Alle (SWT) ka baryeyso in waa uu awoodaa ee u soo hadeeyo.
Ninkii oo aan ka dheerayn, aadna uga damqaday cabashada tirada badan ee uu ogyahay in ay run tahay ee ay xaaskiisu Alle la hortagtay iyo haddana wanaagga ay ugu ducaynayso ayaa isaga oo ilmaynaya markii ay salaaddii ka baxday uu isku duubay oo madaxa iyo minjaha qaaday, wacadna ku maray in dib aanu il qalloocda ugu eegin.








Sidauu sheegay wargeyska uu Allsiyaasad.com soo xigtay oo caddeeyey in qisadani run tahay, maalinkaas sidii ay isugu ooyayeen ayaa gabbal u dumay oo go’aansadeen in ay qolkan karaamaysan ee Alle isugu hadeeyey u hoydaan. Waxa se’ dhacday arrin kale oo dareenka taabanaysa, waxa ay gabadhii ku riyootay, qof aanay arkayn oo inta uu u yimid ku leh, “Toban sano ayaa aad u cabanaysay dadka qofkii kuugu dhowaa, waxba se kuma’ uu tarin. Bil keliyana waxa  aad u cabatay Ilaahay, (SWT) markaasuu xaalkaagii oo dhan beddelay.”











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment