MUUQAAL: Donald TRUMP oo ka digay in dagaal weyn uu dhici karo, Muxuuse ka yidhi Sucuudiga, Falastiin iyo Isreal

Bulsha:- Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ka digay in uu billaaban karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriya Waqooyi kaas oo salka ku haya hubka nukliyeerka ah, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Arimo Quseeya Sucuudiga, Falastiin iyo Israaiil.


Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu door bidayo in arrintani ay noqoto mid lagu xaliyo qaab dublomaasiyadeed, balse buu yiri ay adagtahay in laga guul gaaro.

Madaxweyne Trump waxaa kale oo uu bogaadiyay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping oo isku dayay buu yiri inuu cadaadis saaro dalka Kuuriyada Waqooyi.

Horaanna xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo la hadlayay telefishinka Fox news ayaa sheegay in dowlada Shiinaha ay uga digtay xukuumada Pyongyang cunaqabateyn lagu soo rogo haddii ay markale tijaabiso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Dhanka kale dowlada Kuuriyada waqooyi ayaa soo saartay muqaal borobogaando ah oo muujinaya weerar ka dhan ah Mareykanka.

Arrintani ayaa kusoo beegmeysa maalin uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump u warbixin ka siiyay xubnaha aqalka senate-ka ee Maraykanka khatarta Mareykanka kaga imaaneysa dowlada Kuuriyada Waqooyi, waxaana uu sidoo kale madaxweynaha soo bandhigay qorshe uu doonayo in lagu ballaariyo cunaqabatayn la saaro dalkaasi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment