Maxay Katiri Priyanka Chopra Abaal Marinta Uu Akshay Kumar Ku Guuleystay Ee National Filim Award?

Bulsha:- Sidaan wada ognahay siduu akki abaal marintaan ugu guuleystayba waxaa iska daba wareegayey warar ah in uusan akki u qalmin abaal marintaan balse ay jiraan dad asaga kaga mudnaa.

sidaa awgeed waxaa eeda dusha lagaga tuuray Priyadarshan oo kamid ahaa gudiga xeerbeega ee abaal marintaan qoondeenayey sido kalena ninkaan iyo akki na ay ahaayen kuwa aflaam dhowr ah kasoo wada shaqeyeen.

sidaa awged dadweynaha wax unbey is tuseen in akki abaal marintaas uu kuhelay ninkaa meeshas ugu jiray awged.

si kastee ahaataba Priyadarshan arinkaas waa ka jawabay asigoo waliba cadeyay in meesha musuqmaasuq oolin qofwalbana wuxuu u qalmay lasiiyay mida kalena uu shegay in kaligiis wax xukmin karin oo gudi aad ubadan arinkaas xukmiyeen.

hadaba Priyanka Chopra oo in mudo ah kumaqneed America ayaa timid dhowaan Mumbai waxayna aheed saacado kahor xili wareysi lala yeeshtay xidigaan.

hadaba PeeCee waxaa wax laga weydiyay abaal marinta uu akki ku guuleystay iyo sida ay u aragto arinkaas ayado jawabeysa waxay tiri,” waxaan kumaqnaa America, arimahan oodhana waxba kama ogi oo lama socda.”

sida muuqata PeeCee suaasha la weydiyay inee si toos ah oga jawaabto wey ka gabatay, intaas ayee tiri waxayna horey usii wadatay inee kasii jawaabto suaalihii kale ee wareysiga quseyay ee la weydiinayey.

dhanka shaqada waxay bilawday xayeysiin usameynta filimkeeda Baywatch waliba gudaha India sido kalena waxay u laaban doonta America, Baywatch sida la shaaciyay waxaa la daawan doona 26 May ee sanadkaan.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment