Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay inuu Burburay wadahadalkii Ahlu-suna

Bulsha:- Guddiga Galmudug u matalayay Wada hadalada ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu bur buray Wada Hadaladii ay la lahaayeen Ahlusuna ee ka socday magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo goor dhow Guddiga Galmudug ku qabteen ayay ku shaaciyeen inuu gebi ahaanba istaagay wada hadaladaas, isla markaana ay sii wadanayaan wixii hada ka dambeeya howshooda doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka Galmudug, ahna Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Cusmaan Maxamed Cali ayaa sheegay in dhinaca Ahlusuna ay wax ka socon waayeen.

“Wada hadaladii waa istaageen, dhowr kulan oo aan galnay anaga iyo dowladda meel fiican isla gaarnay, waa nala soo dhoweysay, laakiin Ahlusuna ayay wax ka socon waayeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu dhowr jeer isku dayay in dadaalo looga mira dhalinayay wada hadalka, balse ay ka dhega adeegeen Ahlusuna, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda ay ku wargelisay in Ahlusuna dhankooda wax ka socon la’yihiin, sidaas darteed maamulkooda ay ku dhaqaaqayaan howshooda ah doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 30-ka bishan.

Ahlusuna ayaa watay qodobo dhowr ah oo shuruudo, sida in marka hore iyaga lagu soo biiro, in xilal laga siiyo dowladda federaalka, in Baarlamaanka Galmudug xubno ku yeeshaan iyo shuruudo kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment