Isbahaysiga mucaaradka Kenya oo Iclaamiyay Musharaxa uga qeybgali doona doorashada

Bulsha:- Kulan magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ku dhexmaray Madaxda Isbahaysiga mucaaradka dalka Kenya ayaa waxaa lagu xulay shaqsiga uga mid noqon doona Musharaxa Doorasho ee Kenya.

Madaxda Isbahaysiga mucaaradka ayaa isku raacay in Raila Odinga uu noqon doono shaqsiga keliya ee u tartami doona Isbahaysiga mucaaradka.

Madaxda Isbahaysiga mucaaradka, ayaa sheegay in Xildhibaanada Isbahaysiga ee ku jira Baarlamaanka Kenya looga baahan yahay in codadkooda ay siiyaan Musharax Raila Odinga.

Waxa ay sheegen in Raila Odinga uu yahay midka ugu dhow ee la loolami kara Musharaxiinta kale ee u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Kenya.

Raila Odinga ayaa horay uga qeybqaatay labadii doorasho ee ugu dambeysay ee ka dhacday dalka Kenya waxana uu ka soo jeedaa mid kamid ah qoysaska siyaasada caanka ka ah dalka Kenya.

Raila Odinga, ayaa mudadii u dhexeysay 2008-2012 ahaa Ra’isul wasaaraha dalka Kenya kadib markii doorashada uu ku guuleystey Mwai Kibaki taa oo dhacday sanadii 2007.

Geesta kale, doorashada Kenya ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha Agosto ee sanadkaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment