Gabaryahay Ma Rabtaa Inaadan Waligaa Garoob Noqon Insha Allah, QODOBADAAN RAAC

Bulsha:-  Walaashaydii yareydeey miyaad jeceshay inaad da; yaraan garoob ku noqoto? Walaashayda igaa yareey deey ee da’yarteey waxan walaashayda igaa yar la jeclahay wanaag oodhan ayan adigana kula jeclahay ee dhagahaga ii fur oo waanadaydaan qaado waxan ahay walaasha kaa weyn kaana waayo aragsan’ee” waxana rajayni inad ku guleysan doonto waanadayda hadi Allah ka raali noqdo insha allah!.

Miyaad rabta inaad da’yar garoobto miyad rabta walaashay iga yareey deey inaad noqoto hooyo da’yar kaligeed cunug ku riixaysa (CHILDREN&SLROLLERS)dibadaha oo dhaxan iyo baraf xun ka dhacayo Maya,maya,maya,u malayn maayo inaad marna jeclanayso.
Hadaba walaashayda igaa yarey deey ee da’yarteey wanaadaydan qaado qaali dadaal iyo taxadar badan muuji ku dadaal inaad iska eegto ninka aad mustaqbal kaga la wadaageyso inu ku qaalmo yuu ku siirin hadal macsanidisa hana ku degdegin iska eeg inti karan kaaga ah…


iska eeg bulshaduu ku dhex jiro iska eeg ehelkisa iyo diintisa akhlaaqdisa iska eeg inu masu’liyadada qaadi karo ma yahay mid bahidaada iyo baahidaa ubadkisa idin ka arad tiraya ma yahay mid ku masruufi kara maa yahay mid amiin ah oo sirta rerkisa aan bananka u sarin ma yahay mid xaquuqdada ilaalinaya ma yahay mid raxiim kaga xushmad iyo qadarin u haaya xiririnayanaa ma yahay mid kitabka iyo sunaaha ku dhaqma iska eeg iska eeg inti karaan kaaga ah insha Allah

Walaashayda iga yareey deey ee da’yarteey noqo mid ducaysaan oo waalidkeed u duceeyey la saaxiib hooyada hooyadu waa wayo aragee ninka kuu qalma iyo kan kuu qalmin hooyadu way kala garanaaysayee hakaa eegto wiilka aad la socoto ehelkisa diintisa iyo akhlaaqdisa adigu laftaada waad iska eegi kartaa bulshadu ku dhex jiro sidu diintisa ku yahay iyo akhlaaqdisa taaso ah lagama marmaan wayo nin aan akhlaaq laheyni (GURIGAGU WUXU NOQODAA GURI CADAABE)iska eeg ma yahay mid ku xidhan misjiidka culimadu durusda ka bixiyan ma yahay mid 5ta salaadood ku tukada masjidka.



Walaashayda igaa yareey deey ee da’yarteey wiilka aad la sheekeysanayso hadu ku dhaho guri aanu ku sheekeysano aadno ka diid haka yeelin ku dheh hadaad mustaqbal iyo guur daacad ah iga raabto kaalay guriga ehelkeyga igula sheekeyso hadu nacnac kula yimaado iyo waxan ka xishoonaya waalidka kaasoo kale waa khaayin ee ka fogow intii aad ka foogan karto, weligaa haka yeelin wiil aad wada sheekey sataan in guri isku kaliyeysataan.

Walaashaydi iga yareey deey ee da’yartaay ma ogtahay guurka aan laga fiirsan inuu keeno dhibaato badan ma og tahay zowj kagu inuu ka waatay gurigi waalidkaa ee lagugu so barbaariyey masu’iliyadadi oodhan buu kala wareegey waalid kaagi masuu’ulka kaa ahaa.guri cusub oo aan waalid iyo walaalaha toona ku joogin buu ku deejiyey adigu waxad ku faraxsan tahay inaad maanta noqotay marwo reer leh mase oogid marka danbe siduu xaalku noqon ee gadaal kaga so bixi kara marki la wada deego gurigii cusbaa miskiin aan waxba ka war qabin oo war moog ah ayaad tahay,2 bil ama 6 bil marki la waada joogo ayuu ninki waaji cusub oo aanad hore ugu arkin la soo baxayaa ninki aad taqaanay maba aha markaasuu ku furmayaa albaabki murugada iyo werwerka joogtada ahaa. maalin walba is jiid iyo buuq joogto ah ayaad ku jireysaan waa kan calooshi yareyd ku buuxiyey ka dib cidlaada kaga dhaqaaqay sidaana ku noqotay garoob da’yar. maxaa ka ceeb badan adigoo qayrkaa dhexda u xidhan yahay adiguna aad banaanada ku jiidayso cunug yar oo aabihi cidlaada kaga dhaqaaqay ha is odhan maxa iga galaay qamiyaa qayr kaay garoob da’yar ah garoobnimadu wax lagu farxo ma aha gabadh kasta waxay jeceshay inuu gurigeedu noqdo guri lagu tarbiyeeyey sharecada islaamka iyo zowj wanagsan oo aay is fahman xaquuqdedaana ilaalinaya.

W/Q: Saynab Maxamed










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment