DHEGAYSO: Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiisyo Kala Duwan

Bulsha:- Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi ah, iyadoo wada hadalo labo geesood ah uu dhex maray Wafdiga Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Erdogan iyo Wasiiradiisa.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo labada dal dhex maraya, kaasoo kala ah dhanka horumarinta, dhaqaalaha iyo dhaqanka.

Shir jaraa’id oo labada Madaxweynaha ayay uga hadleen arrimo badan oo quseeya xiriirka labada dal oo meel aad u wanaagsan maraya.


Madaxweyne Erdogan ayaa boggaadiyay dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu sheegay in Turkiga sii laba jibaareyso taageerada tooska ah ee uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Erdogan ayaa ku dhaleeceeyay Beesha Caalamka, in aysan ahmiyad weyn siinin kaalmeynta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka abaaraha oo aanay ka dhabeyn balan-qaadyo ay horay u sameeyeen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyay shacabka iyo dowladda Turkiga, waxaana uu tilmaamay in mar walba ay taageero la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horay gacan uga geysteen arrimo badan oo horumarinta iyo dib u dhiska dalka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyne Erdogan inuu booqasho ku yimaado Soomaaliya, sida ugu dhow, sida ay shaacisay Wakaalada wararka ee Anadol.
Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen oo ay kamid ahaayeen amniga, dhaqaalaha, horumarinta, maalgelinta waxbarshada, is weydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka iyo shirka Soomaaliya ee London oo ay dowladda Turkiya kasoo qeybgali doonto.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment