Blogger Widgets

Dhegayso: Maxay Dowladda Soomaliya Ka ogtahay Heshiiska loogu wareejiyay Imaaraadka Dekedda Bosaso (Waraysi)

Bulsha:- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyay shir looga hadlayo kheyraadka dabiiciga ah ee Afrika, kaasi oo ka dhacaya Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota Qaaradda Afrika, waxaana Soomaaliya u metelay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed (Gaas).

Madaxweyne Gaas oo wareysi siiyay BBC-da ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin mashruuca cusub ee Dowladda Imaaraadka ay ku dooneyso in ay ku balaariso Dekadda caalamiga ee Magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay Dowladda Federaalka in ay ka warqabto heshiiska 30 sanood ee Dekadda Boosaaso loogu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta


Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay wax muran ah in uusan ku jirin heshiiska Maamulka Puntland uu la galay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taasi oo ah in lagu wareejiyo Dekadda Boosaaso.
C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay hormarka dalka gaar ahaan Degaanada Puntland in uu ku xiran yahay kaabayaasha dhaqaalaha.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment