Dalka North Korea oo Dab ku shiday Xiisadda Dagaal, Natiijada Gantaal Cusub oo ay tijaabisay & Donald Trump oo ku maadeystay

Bulsha:- Dalka North Korea ayaa mar kale tijaabiyay gantaalo cusub oo halis ah sidaas waxaa xaqiijiyay Mareykana iyo Koofur Kuuriya.

Mudo ilbiriqsiyo ah ayuu ku qarxay markii hawada loo diray sidaas waxaa wakaaladda Wararka ee  Yonhap usheegay sargaal katirsan militeriga Koofur Kuuriya, sidoo kale sargaal uhadlay Mareykanka ayaa sheegay in gantaalkaas uusan dhaafin dhulka Waqooyiga Kuuriya.

Waxaa ay tijaabadan ka dhacday Koofurta Caasimadda Pyeongan saacadihii hore ee sabtidii sidaas Koofur Kuuriya ayaa sheegeysa

Ilaa haatan lama oga nooca rasmiga ah ee uu yahay gantaalkan cusub ee ay tijaabisay dowladda Waqooyiga Kuuriya.


Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa bogiisa Twitterka kusoo qoray: “Waqooyiga Kuuriya waxaa ay xushmo daro kula dhaqmeysaa  China kadib markii ay tijaabiyeen gantaalo kale oo lagu guul dareystay. Waa Mid xun!”

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Waqooyi Kuuriya oo ku saabsan gantaalkan ay ku guul dareysatay.

Xaaladda gobolka ayaa sii xumaaneysa labada Kuuriya ayaana sameynaya diyaar garow dagaal oo laga cabsi qabo inuu meel xun gaaro.

Waqooyiga Kuuriya ayaa dhowr mar tijaabisay gantaalo halis ah taas oo qasabtay in maraakiib wata Nugliyeer uu Mareykanka udiro gobolka.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment