Dalka Barazil: Jiir Lagu Helay Dambi ah Ka Ganacsi Daroogo Iyo Xashiish!

Bulsha:- Nin xabsiga ku xirnaa in muddo ah ayaa tababaray Jiir yar oo uu ka dhigay mid mukhaadaraadka ka ganacsada, iyadoo dhacdadani noqotay mid layaab ku noqotay Booliska dalka Barazil.

Jiirkan yar ayaa soo jiitay indhaha Booliska Barazil kadib markiii ay cadaatay baaritaanno la sameeyay in mid kamid ah maxaabiistu uu u tababaray ” Inuu Mukhaadaraadka ka Ganacsado”, isagoo waxyaabaha mamnuuca ah kusoo qarinayay garbihiisa hoostiisa xabsigana soo gelin jiray.

Jariidada Mirror la yiraahdo ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa baahisay sheekadan, iyadoo ciidamada asluubta ee xabsi la yiraahod Barra da Grout oo ku yaalla waqooyiga dalka Barazil ay arkeen Jiir sayntiisa dambey ay ku xiran tahay xarig dheer, kadib markii loo dhaba galay oo xaaladii lasii raacay waxaa cadaatay in jiirku uu xabsiga u qaybiyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah ee mamnuuca ah, isagoo waliba Jiirku si aad ah iskaga ilaaliyay indhaha booliska xabsiga.

Baarayaashii dhacdadan ayaa waxay dib u daawadeen cajaladihii laga duubay Camerooyinka qarsoon ee xabsiga, ugu dambeyn Jiirka waxaa lagu helay kiis ah inuu xabsiga soo galiyay 30 xabbo oo xashiish ah, 23 cocaine, isagoo u qeybiyay dadkii maxaabiista ahaa .
Ugu dambeyn Jiirka ayaa la sii daayay waxaana la geeyay meel aad uga fog xabsiga, si looga nasto.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment