Daawo Sawirada:- Shan ruux oo kufsi iyo jirdil u geystay “Gabar” 15-jir ah

Bulsha:-  Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar), ayaa sheegay in ciidamadda Booliiska ay gacanta kusoo dhigeen shan dhallinyaro ah oo la sheegay in ay kufsi iyo jirdil u geysteen “Gabar” yar.

Ragga falka isugu jira kufsiga iyo Jirdilka geystay ayaa hadda ku xiran saldhiga ciidanka Booliska ee magaalladda Gaalkacyo.

“Taariikhdu markeey aheeyd 27/4/2017 waxaa na soo gaaray fal danbiyeed dhacay, oo ahaa kufsi loo geeystay gabar yar oo aad u da’yar da’deeduna ay udhaxeeyso 15—16 sano jir, ayna faraxumeeyeen danbiilayaal ka kooban shan ruux oo u geystay kufsi iyo jirdil, markeey intaas nasoo gaartay, isla markaana aan dabagal dheer ku sameeynay waxaa ciidanka dagmadda Galkacyo ay ku guuleeysteen in ay gacanta kusoo dhigaan shantii ruux oo ku kala eedeysan afar kufsiga iyo jirdilka u geystay iyo kii guriga falka lagu geystay iska lahaa. Ninka guriga iska lahaa magaciisu waa Maxamed Cali Cabdile 27 sano jir ah”, sidaasi waxaa yiri Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar).

Taliyaha ayaa magacyada dhallinyarada kufsiga geystay ku kala sheegay Maxamed Cali Cilmi oo 17 sano jir ah, Cabdirisaaq Iidle Maxamed oo 19 sano jir ah, Maxamed Raage Ducaale oo 20 jir ah iyo Deeq Maxamed Axmed oo 20 jir ah.

Bishii Janaay ee sanadkaan,  Shan Dhallinyaro ah oo dhamaadka sanadkii 2016 labo Gabdhood ku kufsaday Degmadda Galdogob, kadibna mid ka mid ah gabdhaha ka duubay Muuqaal lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa Maxkamad ku taalla Puntland ay xukuntay.
Xukunkan oo ay rideen Culimada waxaa Goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Puntland, Ehellada wiilasha iyo Qaar ka mid ah Dadka deegaanka,waxaana xukunka kadib, maamulka  Puntland ay ku fulisay Dhalinyaradii Jeedalkii lagu xukumay [Karbaash], siddoo kale waxaa xukunka qeyb ka ah xarig iyo ganaax lacageed.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment