Daawo: Puntland oo heshiis la gashay Madaxda Ururka Al-Saadicuun Bil-Xaq

Bulsha:- Masuuliyiinta Maamul goboleedka Puntland ayaa kulan Magaalada Garowe kula qaadatay mas’uuliyiin ka tirsan Urur diimeedkii  Al-Saadicuun Bil-Xaq ee dhowaan Dalka looga dhowaaqay, waxaana kulanka  Puntland uga qeyb galay guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo Taliyaha La dagaalanka argagixisada halka Ururka Al-Saadicuun Bil- Xaq uga qeyb galeen masuuliyiintooda ku sugan Puntland.

Kulankan oo ay dalbadeen madaxda ururka Al-Saadicuun Bil- Xaq ayaa waxaa ujeedadiisu aheyd sidii ay maamulka Puntland uga dhaadhicin lahaayeen ujeedooyinka ururkaas iyo iney cadeeyaan warar been abuur ah oo ay sheegeen in laga faafiyey.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdullaahi (Faraweyne) ayaa kulankaas ka dib warbaahinta u sharaxay qodobo ay isku afgarteen xubnaha Saadicuun ku jira ee Puntland ku sugan. “Puntland ma aqoonsana Ururka Saaciduun balse ragga sheeganayey ee aan la kulanay waxaan ku heshiinay inaysan hub qaadan karin,tababar siin karin dad kale, siyaasada lug ku lahaan karin iyo qodobo kale.”

Xubin ku hadlayey Jaamacadda Saadicuun bil xaq ee ku sugan Puntland oo la yiraahdo Jamaal Xasan Aw-Muuse ayaa sheegay in urur diimeedkoodu ahayn Takfiir, wax xiriir ahna aysan la laheyn Al-shabaab, isagoo xusay in ururkoodu uusan wax dhibaato ah wadin marka laga reebo iney bulshada diinta baraan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment