Cabitaano halis ku ah Raga ( waxyeelaynaya raganimada)

Bulsha:- Cilmi Baaris iyo Baaritaano qaatay mudo dheer ayaa lagu ogaaday in qaar ka mida Cabitaanada dhibaato ku reeba Raganimada, dhanka jinsiga ah ee raga.

Cabitaanada kulul (Power drink) Dad fara badan ayaa Aaminsan in Cabitaanada kulul ay jirka siiyaan awood ka kaalmaynaysa in uu Qabto shaqooyin iyo in laga helo Firficoonaan dhanka jirka ah , hase ahaatee waa in laga warqabaa saamaynta halis ah ee ka dhalanaysa.

Cilmi Baarista ayaa cadaysay in ay shaqo saa`id ah galinayaan cabitaanada kulul dhaqdhaqaaqa Wadnaha , iyo cadaadiska dhiiga , waxaana looga digayaa si gaar ah dadka qaba cudurada wadanaha in isticmaalaan cabitanada kulul, iyada oo laga baqanayo in uu wadno istaag ku soo bodo.

Sidoo kale Cofeega ayaa isna saamayn ku yeesha Dareenwadayaasha jirka, Nafsad ahaan ruuxa waxaa uu ku riixaa mid aan caadifadiisa nafasadeed aan fadhin, waxaa intaasi sii dher in uu kordhinayo u nuglaanshiyaha falalka cadawtinimo.


Khubarada samaysay Baaritaankaan ayaa isku khilaafsan Saamaynta Cabitaanadaan ee Raganimada , hase ahaatee Baaritaan lagu sameeyay Isbitaalka Jaamacada Koban heegan ayaa lagu sheegay in raga sida joogtada ah u isticmaala Cabitanada kulul ee Gaaska leh in ay ka hooseeyaan %30 Tirada Manida .

Cabitaanada kale ee laga Digay ayaa waxaa ka mida, Nuucyada leh aashitada, sida ay lagu cadeeyay Cilmi Baarista Kuliyada kaastoorba, taasi oo tijaabooyin ku samaysay nuucyo ka mida Jiirka, una soo baxaday in uu  hos u dhacay tirade manida ee jirarka sida joogtada ah loo siiyay.

Khubarada ayaa ku talinaya in cabitaan ahaan loo cabaa biyaha Caadiga ah kuwaasi oo aan saamayn ku yelanaynin Caafimaadka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment