Atirishada Julia Roberts Oo Kulan La Qaadatay Messi Iyo Ronaldo Kadib Kulankii El Classico

Bulsha:- Atirishada Hollywood-ka ka tirsan Julia Roberts ayaa todobaadkaan kulan la qaadatay labada cayaaryahan ee dunida ugu caansan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kadib kulankii El Classico ee axadii la cayaaray.

Kulankii El Classico waxaa 3-2 guusha ku qaadatay naadiga Barcelona ayadoo Messi labo gool dhaliyay weliba mid ka mid ah xiliga dhimashada ayuu goolka dhaliyay sidoo kalena Messi habeenkaas 500-gool ayuu Barca u dhaliyay.



Kadib kulankii El Classico atirishada Julia Roberts ayaa kulamo kala duwan qolka labiska garoonka Bernabue kula qaadatay Ronaldo iyo Messi.

Sidaa darteed labadaan cayaaryahan mid walbo si gaar ah ayuu baraha bulshada usoo dhigay sawirkii uu la galay Julia Roberts.



Sidoo kale Julia Roberts qaar ka mid ah xidigaha Real Madrid aya kulan la qaadatay kadib kulankii El Classico ayadoo siweyn loo soo dhaweeyay xidigtaan caanka ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment