Blogger Widgets

Aamir Khan Oo La Lagdamay Qaar Ka Mid Ah Haweenka Reer China (+Sawiro)

Bulsha:- Bollywood Mr. Perfectionist Aamir Khan wuxuu ku sugan yahay gudaha dalka China asigoo xayeysiin u sameenayo filimkiisa Dangal oo halkaas laga daawan doono 6-bisha May ee nagu soo fool leh.

Aamir Khan wuxuu maalintii Axada ahayd ka qayb galay xafladii weyneed Beijing International Film Festival ee gudaha China lagu qabtay sidoo kalena filimkiisa Dangal ayaa halkaas lagu soo bandhigay.



Aamir Khan wuxuu booqday goobo kala duwan sida Vancouver film school oo lagu barto filim jilista kuna yaalo magaalada Shanghai, xarunta cilmi baarista China ee ku yaalo magaalada Chengdu sidoo kalena tartanka Yog-da ayuu xidigaan ka qayb qaatay.

Aamir Khan wuxuu lagdan la cayaaray qaar ka mid ah haweenka reer China oo xidigaan siweyn usoo dhaweeyeen xili uu filimkiisa Dangal xayeysiin ugu sameenayay.

 

Aamir Khan si wacan ayuu taageerayaashiisa ula fal galay sidoo kalena asigoo qabiir ku noqday cayaarta lagdanka xidigaan haweenka reer China wey loodin waayeen.
Waxyar hoos ka daawo Aamir Khan oo lagdan kula jiro haweenka reer China:












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment