Laamaha amaanka Kenya oo kujira heegankii ugu sareeyay

Bulsha:-  Xilli laga baqanayo Weeraro ay Alshabaab ka geystaan Garoomadda Diyaaradaha ee dalkaasi ayaa waxaa si rasmi ah amar loogu bixiyey in la adkeeyo Garoomadaasi.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Dalxiiska ee Kenya, Joseph Nkaissery iyo Najib Balala waxay si wadajir ah u soo saareen Hadal-qoraal oo ay ku muujiyeen inay Dowladda qaaday Kontoroolka Ammaanka si dedeg oo Karti iyo Hufnaan leh.

Tallaabadaasi ayaa timid, kadib, markii Dukumeti qarsoodi ah lagu muujiyey inay jiraan 11-dagaalyahanno Alshabaab qorsheynaya inay Diyaaradaha Rakaabka u adeegsadaan weeraro ay ku qaadaan Garoomadda Diyaaradaha ee ku yaalla gudaha Kenya.

Digniintaasi ayaa markii dambe hoos loo dhigay, iyadoo la sheegay inaysan jirin cabsi noocaasi ah.

Alshabaab ayaa qorsheynayso weeraro ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, sida uu dhawaan shaaciyey Madaxa Alshabaabka ka dagaalamaya gudaha Kenya, Axmed Iimaam Cali.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment