Lix Dhalinyaro Soomaali British ah oo lagu xukumay 47-sano oo xabsi ah

Bulsha:- Maxkamad ku taal magaalada Birmingham ayaa shalay lix dhalinyaro Soomaali ah ku xukuntay 47 sano oo xabsi ah, iyadoo kiiska dhalinyarada loo heystay uu soo jiitamayay illaa sanadkii la soo dhaafay.

Booliiska ayaa xaqiijiyay in dhalinyaradan lagu helay dacwadaha lagu soo oogay oo ahaa in ay ka ganacsanayeen Daroogada mamnuuca ka ah dalka ee kala ah Cocaine, Heroin iyo Amphetamines.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in kiiskan lagu guda jiray muddo, isla markaana kooxdan dhalinyarada ah ay isticmaali jireen Taleefano qarsoodi ah oo ay ku kala iibin jireen daroogooyinka iyo waxyaabaha ay rabaan, iyadoo baaritaan dheer kadib la ogaaday aqoonsiyadooda, kadibna dacwad lagu soo oogay.

Mohamoud Ahmed oo 24-sano jir ah, laguna tilmaamay inuu ahaa Horjoogaha Kooxda ayaa lagu xukumay 12-sano xabsi ah, balse waxaa uu diiday inuu dambigan galay.

Majid Jamjamle oo 23-sano jir ah, balse sheegay inuu Soomaali aheyn, ayaa lagu xukumay 11-sano oo xabsi ah, waxaana uu ahaa ninka ku xigay Mohamoud.

Liibaan Maxamed oo 22-sano jir ah ayaa waxaa uu qirtay inuu kooxdan ka mid ahaa, isla markaana uu ka ganacsan jiray daroogada, isagoo tilmaamay inay u geysay daruuf dhanka nolosho ah, waxaana lagu xukumay 6-sano oo xabsi ah

Sidoo kale Maxkamadda ayaa 7-sano ku xukuntay Maxamed Xuseen oo 20-jir ahaa, isla markaana si gaar ah uga ganacsanayay daroogada loo yaqaano Heroin iyo Cocain, Taariq Nuur Maxamed oo ahaa ninka ugu da’da weyn kooxdan 35-jirna ahaa ayaa lagu xukumay 8-sano iyo bar xabsi ah

Maxamed Ismaaciil C/llaahi oo 28-jir ahaa ayaa isna lagu xukumay 3-sano iyo afar bil waana ninka ugu xukunka yaraa.

Arintan ayaa imaaneysa xilli Magaaladda Birmingham ay ka dhacayeen falal ka dhan ah amniga iyo waliba iyadoo soo badanaya dhalinyarada Ajaanibta ah ee ka ganacsadda waxyaabaha dalka ka mamnuuca.

Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Birmingham ee Caasimada labaad ee dalka Ingiriiska ayaa arrintan walaac xoogan ka muujiyay, kadib markii tiradii ugu badneyd dhalinyaro Soomaali ah xabsiga loo taxaabay, waxaana Jaaliyaddu ay dadaal ugu jirtaa sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha dhibaatada ku ah dhalinyarada Soomaalida ee ku nool Birmingham.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment