Yuusuf Garaad: Qof & cod keliya ma’aha xaqa doorasho ee muwaadinka

Bulsha:- Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa qoraal soo saaray kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Yuusuf Garaad ayaa walaac ka muujiyey hannaanka doorashooyinka dadban ee dalka, wuxuuna sheegay in xaqa ka maqan shacabka xittaa aysan aheyn doorashada inay noqoto qof iyo cod, isla-markaana xittaa aan loo ogeyn inay muwaadiniinta isa soo sharraxaan.

Sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay lacagaha faraha badan ee laga qaado musharixiinta oo aysan badi awoodin dadka doonaya inay ku biiraan siyaasadda iyo hoggaanka dalka.

“Qof & Cod keliya ma aha xaqa doorasho ee muwaaddinka ka maqan. Inuu isagu murashax noqdo ayaan loo oggoleyn. Waayo Soomaali inteeda badani ma awooddo inay bixiso 10 Kun, 20 Kun & 50 Kun oo doollar si loogu oggolaado “tartanka,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Doorashada Soomaaliya ayaa ah mid aad loogu lamayo, waxaana furaha koowaad ah dhaqaalaha oo ay musharixiinta adeegsanayaan, si ay ugu soo baxaan tartanka.


Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ka socota doorashada Golaha Shacabka oo tartan adag loogu jiro, isla-markaana ka adag mida Golaha Shacabka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment