Xasuuq:- West Ham United 3-2 Liverpool, Reds oo lagu dhigay Caawa Horyaalka Premier league-ga Kaalinta Seddexaad oo laga galay

Bulsha:- Kooxda West Ham United ayaa Caawa Ku Dhagtay Kooxda Liverpool Kulan ka Tirsan Horyaalka Premier league oo ku soo dhamaaday 3-2.

Gool uu iska Dhaliyay Alisson Becker iyo Labo Gool ay ku Dareen Pablo Fornals iyo Kurt Zouma ayaa West Ham United ugu Filneyd Guusha Caawa ee Garoonka London Stadium.

Salah oo La Filayay Jabinta Rikoodh Cusub ayaana soo taaban Shabaqa Marka la eego Awooda Kooxda West Ham United oo hada Cariirsatay Kaalinta Seddexaad ee Horyaalka.

Sharaxaada Ciyaarta

Liverpool ayaa ahayd kooxda kaliya ee Premier League ah ee aan xilli ciyaareedkan la kulmin wax guul-darro ah tartamada oo dhan, hase yeeshee West Ham oo ay ugu tageen London Stadium ayaa guul-darro xanuun badan usoo xambaarisay.

Gool uu iska dhaliyey goolhaye Alisson Becker daqiiqaddii 4aad ee bilowga ciyaarta ayaa hoggaanka u dhiibay West Ham United. Goolhayaha reer Brazil ayaa cidhiidhi kala kulmay Ogbona, waxaana uu gacmaha la waayey kubbad koorne ahayd, taas oo uu ku leexiyey shabaqiisa.

Liverpool ayaa ku doodday in qalad lagu galay goolhaye Alisson Becker, hase yeeshee cabbaar marba dhinac laga eegay xaqay VAR xaqiijisay inuu yahay gool xalaal ah oo aan waxba lagu samayn goolhayaha reer Brazil.

West Ham ayaa ka badbaadday kaadh cas ciyaarta oo socotay sagaal daqiiqadood oo kaoliya kaddib markii uu Cresswell qalad xun ku galay Jordan Henderson, hase yeeshee VAR ayaa muuqaalladeeda ku celiska ku muujisay in laacibkani uu sii taabtay kubadda ka hor intii aanay lugtiisu si toos ah dhudhunka kagaga dhicin Henderson oo cabbaar garoonka dhexdiisa jiifay.

Trent Alexander-Arnold ayaa laad xor ah ku barbarreeyey ciyaarta daqiiqaddii 41aad, markaas oo laynka xerada ganaaxa uu ka toogtay goolka kaddib qalad lagu galay Mohamed Salah, taas oo uu dhex dhigay goolka uu waardiyaha ka yahay Lukasz Fabianski.

Hammers ayaa u dhowaatay inay hoggaanka dib ula wareegto ka  hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, markaas oo uu Benrahma kubbad u dhiibay Antonio oo difaacyahannada Liverpool kala dheereeyey, waxaase kusoo baxay Alisson Becker oo badbaadiyey kooxdiisa.

Dawson ayaa barta u garaacay Liverpool daqiiqaddii 50aad ee bilowga qaybta labaad, isaga oo madax ku qabtay koorne uu soo tuuray Fornals.


West Ham United ayaa ciyaarta ka dhigtay daqiiqaddii 67aad, waxaana kubbad uu usoo dhiibay Bowen uu qasab kaga hoos saaray goolhaye Alisson oo sii taabtay laakiin awoodi waayey inuu ka leexiyo goolkiisa, waxaanay ciyaartu noqotay 2-1.

Kurt Zouma ayaa hoggaanka usii dheereeyey West Ham toddoba daqiiqadood kaddib goolka uu Fornals dhaliyey, waxaana mar kale kubbad uu kasoo shaqeeyey Bowen uu xerada ganaaxa ugu geeyey Kurt Zouma oo madax awood badan ka geliyey koornaha cidhiidhiga ah ee ay labada birood iskaga yimaaddaan.

Divock Origi oo beddel kusoo galay ayaa Liverpool u keenay gool labaad xilli toddoba daqiiqadood ka hadhsanaayeen dhamaadka ciyaarta, waxaana kubbad uu ka helay laynka xerada ganaaxa uu ku ku maamushay lugta midig, kaddibna lugta bidix uu ku toogtay, waxaanu ciyaarta ka dhigay 3-2.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday West Ham United oo soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, isla markaana yeelatay 23 dhibcood oo ay isku mid yihiin Man City oo kaga horreysa farqiga goolasha, halka Liverpool ay u dhacday kaalinta afraad oo ay ku haysato 22 dhibcood.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment