Wax ka Ogow gabadha Soomaalida ah ee loo haysto inay dhacday malaayiinta dollar?

Bulsha:- Waxaa maalmihii u dambeeyay si weyn baraha bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta caalamka looga hadal hayey Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magaacaabo Safiya Nuur, taasi oo la sheegay in qaab khiyaano ah ku dhacday lacago malaayiin doolar ah.

Gabadhaan oo haysata dhalasho Canada, asal ahaan ah Soomaali, ayaa waxaa lagu eedeynaya in hab kala duwan lacago uga dhacday dad caan ah oo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, kuwaas oo qaarkood ka mid ah jilayaasha Hollywood-ka.

“Lacagta ay Safiya ka qaadatay dadkaa waa mid ay ku beer laxowsatay, sida hooyadeed oo dhimatay oo ay dooneyso lacag ay ku aasto,” ayaa lagu yiri warbixin uu daabacay wargeyska ka warama dadka caanka ah ee Vulture.

Sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka Safiya waxay sidoo kale lacagahaas ku qaadatay inay dhibaato kala kulantay kufsi wadareed loo geystay.

Sheekada xatooyada ee lala xiriirinayo Safiya ayaa waxa kale oo sheegayaan in lacagahaas qaarkood ku qaadatay qaab amaah ahaan ah, ayada oo markii dambena la goosatay oo aan u celinin dadkii ay ka qaadatay.

Shakhsiyaadka caanka ah ee la sheegay in gabadhan ay la kulantay, laguna eedeeyay in lacago qaab khiyaano ah uga qaadatay waxaa ka mid ah Jeff Wittek, Denzel Dion, Ricky Thompson iyo dad kale oo isugu jira atooreyaal, atariishooyin iyo dadka taageerayaasha badan ku leh baraha bulshada, gaar ahaan Youtube-ka.

Arrintaan ayaa waxay soo shaac baxday maalintii Khamiistii ee asbuucii lasoo dhaafay, markaas oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-kii November 2021-ka.

Tan iyo markaas waxaa isa-soo tarayay dadka sheeganayay in qaab xatooyo ah ay u dhacday, waxaana xusid mudan in dadka ka hadlayey arrinta Safiya Nuur aysan ahayn kuwo eedeynayay oo keliya, balse dadka qaar ay su’aal galinayeen saxnimada eedeynta loo jeedinayay.


Marka laga imaado eedeymaha loo jeedinayo iyo hadal haynta arrintaas, illaa hadda mjiro wax war oo kasoo baxay Safiya, oo ay iskaga difaaceyso eedeymaha xatooyo ee loo jeediyay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment