Turkiga oo Muwaadiniinta Yemen, Ciraaq iyo Suuriya u diiday in Belarus u dhoofaan

Bulsha:- Turkiga ayaa maanta billaabay dhaqangelinta go’aan muwaadiniinta u dhashay dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen u diidaya inay u dhoofaan waddanka Belarus iyaga oo ka duulaya garoomada diyaaradaha Turkiga. Go’aankan ayaa lagu sababeeyay xiisadda dhinaca qaxootiga ah ee ka aloosan xuduudda u dhaxaysa Belarus oo horey uga tirsanayd waddankii hore ee Midowgii Soofiyeeti iyo Poland.

Amarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriir diblumaasiyadeed oo saddex-geesood ah uu dhex maray saraakiisha Poland,Turkiga iyo Yurub kaas oo looga gol leeyahay in lagu joojiyo qulqulka dadka isku dayaya in ay si sharci darro ah ku gaaraan Midowga Yurub iyaga oo sii maraya xudduudaha bari.

“Iyada oo laga duulayo dhibaatada la xiriirta in si sharci darro ah looga gudbo xudduudda u dhexeysa Midowga Yurub iyo Belarus, waxaa la go’aamiyay in muwaadiniinta Ciraaq, Suuriya iyo Yemen ee doonaya inay u safraan dalkaasi aanan loo oggolaan doonin inay ka dhoofaan garoomada Turkiga ilaa amar dambe,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’adda duulista rayidka Turkiga.


Diyaaradda Turkish Airlines ayaa Talaadadii diiday eedeynta ah in duulimaadyadeedu ay qeyb ka yihiin abuurista xaaladda tahriibka, dad sharci-darro ahna ay qaaddo”. Waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in macluumaadka noocaas ah “aanay ka tarjumaynin runta.”










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment