Mooshinka ka dhan ah DP Word oo saacadaha soo socdo loo gudbinayo guddoonka Baarlamaanka Puntland

Bulsha:- Qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa wado olole mooshin looga keenayo  Heshiiskii Shirkadda DP World iyo Xukuumadda ee ku saabsan Dekadda Boosaaso.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in ka badan 41 mudane ayaa saxiixay mooshinka la doonayo in lagu baabi’iyo heshiiska Puntland iyo Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World.

Maanta ayaa la filayaa in mooshinkaan oo ay saxiixeyn 41 Xildhibaan loo gudbiyo guddoonka Golaha Baarlamaanka Puntland, iyada oo la sheegayo in ka hortegida mooshinkaan aysan waxba ka qaban karin Xukuumadda & Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland intaba.

Lama xaqiijin karo haddii uu mooshinkaan wax ka og yahay madaxweynaha Puntland iyo haddii uusan raali ka aheyn, mana muuqato dadaalo uu Deni ku doonayo in looga hortago mooshinka.

Sanadkii 2017-kii ayay heshiiska ballaarinta dekadda Magaalada Boosaaso wada saxiixdeyn Xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Cabduweli Maxamed Cali Gaas & Shirkadda DP World.

Shirkadda DP Word ayaa lagu eedeeyey inaysan weli wax muuqda kusoo kordhin Dekadda Boosaaso marka laga reebo inay iska qaadato lacagta kasoo xarooto sida uu horey u sheegay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi.


Wixii warar ah ee kusoo kordha mooshinka kala soco wararkeena soo socdo Inshaa Allah










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment