Madaxweyne Saciid Deni oo eryey taliyihiisii booliska?

Bulsha:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland, isagoo soo magacaabay Taliye cusub, kadib markii loo baahday dar-dar gelin dhanka howlaha ammaanka ah, sida lagu shaaciyey dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni.

S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland, waxuuna Saciid Deni tallaabadaan kala tashaday ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, sida ku cad dikreetada uu ku soo saaray magacaabidda.

Taliyaha la bedelay oo lagu magacabo Cabdi Xasan Xusen (Cabdi Yare) ayaa sidoo kale ahaa guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka heer federaalka ee deegaanada Puntland, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu dhowr safar Muqdisho ku tegay, taas oo dhalisay tuhun ah in Deni ka shakiyey taliyihiisa booliska, sidaas-na uu u bedelay.

Sareeyo Guuto Cabdi Xasan Xusen (Cabdi Yare) ayaa shalay magaalada Garowe kula kulmay guddoomiyaha guddiga dorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro oo ay wehliyeen xubno ka tirsan guddiga doorashoyinka heer federaal iyo heer dowlad gobaleed ee Puntland, waxaana saacado kadib kulankaas soo baxday xilka qaadistiisa.




Doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan xildhibaanada golaha shacabka ayaa haatan bilaabatay, waxaana shalay Muqdisho lagu doortay labadii kursi ee u horeysay, waxaana jirta cabsi la xariirta in doorashada golaha shacabka loo maamulo sida tii Aqalka Sare oo kale, taas oo aad loogu dhaliilay madaxda maamul goboleedyada markii laga reebo HirShabeelle, hanaankii ay u maamuleen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment