Maamulka Hirshabelle oo qorsheynaya qabashada Doorashada Golaha Shacabka

Bulsha:- Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo loo asteeyay inay doorashada ka dhacaan ayaa waxaa ka socda diyaargarow xoog leh oo loogu jiro sidii looga bilaabi lahaa doorashada Golaha Shacabka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in toddobaadka soo socda laga yaabo inay kadhacdo doorashada illaa saddex kursi oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka caasimada Hirshabelle ee magaalada Jowhar.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay shaaciyaan habraaca qabashada doorashada Golaha Shacabka.

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaahore u dhamaystirey doorashada Senatarada Aqalka Sare iyadoo lagu qiimeeyay inay ahayd tii ugu wanaagsanayd, marka la fiiriyo qaabka qabashada iyo tartamida iyadoo aan loo xirin kuraas tartamayaasha balse ay u dhacday si ka wanaagsan sida looga qabtay doorashada Aqalka Sare Maamulada kale ee dalka ka jira.




Doorashada Golaha Shacabka ayaa illaa hadda laga qabtay magaalada Muqdisho iyadoo labo kursi oo ka mid ah kuraasta laga leeyahay gobolada waqooyi ee dalka lagu doortay caasimada dalka ee Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment