Maamulka G/Hiiraan oo Saraakiisha AMISOM kala shiray Amniga doorashooyinka

Bulsha:- Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Gudoomiye ku Xigeenka Amniga gobalka Hiiraan Axmed Cabdullaahi Cusmaan Inji ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku Sugan magaalada Beledweyne .

Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeeyey xaalada guud ee amniga iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa howlaha amniga magaalada iyo sugida amniga goobaha Doorashooyinka lagu qaban doono ee magaalada Beledweyne.

” Maamulka gobalka Hiiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle waxuu Juhdi badan ku bixinayaa door-kiisa Maamul ee ka shaqeeynta amniga iyo xasiloonida guud ee gobalka Hiiraan iyo adkeeynta amniga Goobaha Doorashooyinka aay ka dhacayaan ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan.


Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha snadkaan loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment