Kenya oo Labo Diyaarad oo ay Lahaayeen Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Ku iibineysa Lacag raqiis ah !

Bulsha:- Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay xaraashka diyaarado hawlgab ah, oo iib lagu raadinayo, waxaa ku jira labo diyaarad oo ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya iyo labo kale oo ay laheyd Jubba Airways.

Hey’adda socdaalka Kenya ayaa sheegtay iney November 17, 2021-ka xaraashi doonto diyaarado aan la isticmaalin oo muddo iska dhex yaallay garoomada dalkeeda sida Jomo Kenyatta International Airport, Moi International Airport, Lokichoggio Airport iyo Wilson Airport.

Diyaaradaha la xaraashayo waxaa ka mid ah labo diyaarad oo ay lahaayeen ciidamada cirka ee Soomaaliya, diyaaradahan oo ku diiwaangeshan 3C-ZZA iyo 8204, labaduba waa nooca AN24, waxyna iska dhex yaaleen Jomo Kenyatta International Airport (JKIA), Labadan diyaarad oo kuwa Ruushka ah ma jirin cid ama dayactirto ama soo qaada.

Sida lagu qoray qarashka lagu doonayo mid weliba waa for KShs. 73,000 oo u dhiganta $730, waxaa xusid mudan in diyaaradaha la iibinayo ay ku jiraan labo ay leedahay shirkadda Jubba Airways EY-534 iyo5Y-BXZ, oo middiiba lagu doonayo $4,006.




W/Q Cabdicasiis Gurbiye.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment