Hub ka yimid IRAN oo la shaaciyey inuu kusoo qul-qulayo gudaha Soomaaliya

Bulsha:-  Hub ay Iran u qeybisay Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa si sharci-darro ah looga gudbiyaa Gacanka Cadan, ayada oo la geynayo Soomaaliya, waxaa sidaas maanta lagu sheegay daraasad ay soo saartay hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Geneva.

Hay’adda Global Initiative ee la dagaalanka dambiyada caalamiga ah ee abaabulan ayaa sheegtay in daraasaddeeda saldhig looga dhigay in ka badan 400 oo hub oo laga diiwaan geliyey 13 goob oo ka mid ah Soomaaliya muddo 8 bil ah, iyo kuwo laga qabtay 13 doon oo ay ay qabteen ciidamada ilaaliya xeebaha Soomalaiya. 

Waa daraasaddii ugu horreysay oo iftiimisay xaddiga hubka sida sharci-darrada ah uga gudba Yemen ee la geeyo Soomaaliya. 

“Hub asalkiisa kasoo jeedo ganacsiga hubka ee Iran iyo Yemen ayaa la geliyaa Soomaaliya,” ayey tiri daraasadda oo maanta la daabacay. 

“Iran marar badan ayey beenisay inay ku lug leedahay hubka la siiyo Xuutiyiinta. Si kastaba, caddeymo baaxad weyn ayaa muujinaya in dowladda Iran ay hubka u qeybiso.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Iran iyo afhayeenka Xuutiyiinta ayaa labaduba diiday inay ka jawaabaan daraasadda.

Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasiirka amniga gudaha kama aanay soo jawaabin codsi falcelin oo aan u dirnay. 

Daraasadda ayaa intaas ku dartay in baarayaasha ay awoodi waayeen inay diiwaan-geliyaan magacyada dadka hubka iibiya iyo kuwa soo iibsaday.

Hase yeeshee, waxaa jira astaamo cad oo muujinaya in hubka ay qeybisay dowladda Iran, ayada oo taxanayaasha lambar ee hubka ay muujinayaan inay yihiin kuwa ka yimid Iran.

Waxaa sidoo kale jira in xogta laga helay nidaamyada satalaytka ee maraakiibta la qabtay iyo sirdoonka bini’aadamka ee kooxaha wax tahriibiya ay intuba la xiriirinayaan Tehran

Mid ka mid ah doomaha hubka sida oo ay qabteen ciidamada badda Mareykanka ayaa laga helay xogta safarka markabka oo muujisay inay ka timid Iran, soo martay Koonfurta Yemen oo ay tagtay Soomaaliya. 


Daraasadda ayaa sheegtay in hubka uu u gacan galay shabakado ganacsi sharci-darro ah ka wada Soomaaliya, kuwaas oo macaamiishooda ay ku jiraan kooxo is-hubeynaya kahor doorashada Soomaaliya, maleeshiyo beeleedyo, iyo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment